Yariisoow Oo Maamulkiisa La Wareegay Shirkad Gaara & Canshuurtii Guryaha Oo Dib Loo Bilaabayo {KASHIFAAD}

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu dib u bilaabanyo Canshuur ururinta Guryaha ki yaalla degmooyinka G/banaadir oo la bilaabay, isla markaana istaagtay xilligii uu guddoomiyaha ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur oo ah mas’uulka arrintan soo abaabulay ayaa dib u soo celinta canshuurtan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Degmada Xamarweyne shalay.

Xogta ay heshay XOGTA MEDIA ayaa sheegeysa in Maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay shirkad gaara oo heshiis muran badan ka taagnaa la gashay maamulka G/banadir laguna magacaabi jiray INTIFAAC, taasoo canshuurtan mar ka qaaday qaar ka mida degmooyinka Muqdisho sanadkii 2016.

Shirkaddan ayaa shaqaalaheedii iyo madaxdeedii loo bedelay shaqaale katisan Maamulka G/Banaadir, waxaana ninkii madaxda ka ahaa loo magacaabay madaxa Canshuuraha Guryaha ee G/banadir, iyadoo shirkaddii la qariyey magaceeda, isla markaana lacago loo qoondeeyay inay ku yeelato canshuurta laga qaadayo G/Banaadir.

Shirkdda Intifaac  oo qaar ka mida guryaha degmooyinka Gobolka Banadir canshuur ka qaaday ayaa waxaa sharci darro ku tilmaamay hanti dhowrkii guud ee xilligaasi, waxayna adeegsan jirtay maleeshiyo iyo shaqaale u gaara iyadoo heshiis mugdi badan ku jirto ku heleysay saami dhan 49%.

Qorshihii maamulkii Yuusuf Boorsaani ee Canshuur qaadista Guryahaa ayaa istaagtay iyadoo degmooyin badan laga qaadi waayey, halka degmooyin kale loogu xirxiray dadweyne si awood ahna looga qaaday canshuur qorsheyntooda kala duwan tahay, waxaana shirkaddani ka sheegay inay lahayd mid ka mida xaasaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, dib u soo nooleynta canshuurta Guryaha oo ay ka dhex muuqato shirkadda Intifaac ayaa shaki weyn dhalineysa, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in canshuurta cusub ee Guryaha Muqdisho laga bilaabayo qeyb ka mida lagu bixin doono  deyn ay shirkadaasi sheegtay.