Yaa Ka Dambeeyay In Saxaafadda La Ogeysiiyo Hubkii Lagala Baxay Xaruntii Ciidanka Imaaraadka {WAA KUMA…?}

Gen. Khaliif Ereg
Gen. Khaliif Ereg

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya hubkii lagala baxay Bakhaarada xaruntii ciidamada Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Gen. Khaliif Ereg uu ahaa shaqsigii dilaalka ka ahaa iibinta hubkaas uu isaga noqday shaqsigii Saxaafadda u gudbiyay xogta hubka Imaaraadka Carabta.

Sida an xogta ku helnay, waxa uu Gen. Khaliif Ereg xogta si dadban u siiyay Wargeyska Reuters kaasoo si faahfaahsan warbixin uga diyaariyay suuq geynta hubka laga dhacay xerada aay Imaaraadka ku tababari jireen ciidamo Soomaali ah.

Xogta aya sheegeysa in Gen. Khaliif Ereg uu ujeedkiisa ugu weyn uu aha sidii uu xilka ku weyn lahaa Gen. Cabdiwali Xusen Jamac (Gorod) oo ay isku beel yihiin.

Gen. Khalif Ereg aya in dhaweydba xusulo duub ugu jiray sidi uu u noqon laha Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka ama NISA.

Sida ay noo sheegeen Saraakiil ka tirsan xarunta Madaxtooyada JFS, waxa lagu wada in Madaxweyne Farmaajo uu xil ka qaadis ku sameeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Cabdiwali iyo Abaanduulihiisa Caanood, waxaana loo badinaya in sidoo kale uu wax ka bedelo Taliska Nabadsugidda Qaranka oo gebi ahaanba hadda noqday Talis howl gab ah.