XOG: Yaa Ka Dambeeyay In Hargeysa Lagu Xiro Boqor Cusmaan Buur-Madoow..?

HARGEYSA (XOGTA.NET) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud BUUR-MADOW oo ka mid ah madax-dhaqameedyada ugu magaca dheer Somaliland ayaa ciidanka Boliiska Somaliland ka qabteen gegida dayuuradaha ee magaalada Hargeysa.

Boqor Buur madow wuxuu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, waxaana soo dhoweyntiisa ku sugaayay gegida dayuuradaha salaadiin iyo dadweyne kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha ahna ku simaha wasiirka Cismaan Garaad Soofe ayaa  sheegay in Boqor Buur madow lagu xiray isagoo dibedda ka waday falal iyo dacaayado khalkhal gelinaya nabadgelyada kana soo horjeeda qaranimada Somaliland. faahfaahin kale ma bixin wasiir xigeenku.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo u hadlay salaadiinta soo dhoweyneysay Boqor Buur Madow ayaa isna sheegay inay cambaareynayaan xarigaasi.

Boqor Cismaan Aw maxamuud Buur Madow oo hadda ku xiran xarunta ciidanka CID ee Boliis ee hargeysa ayaa mudooyinkii danbe ku noolaa dalka imaaraadka carabta.

Sidoo kale ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigey wakiil wareedkii taleefishinka Universal ee magaalada Hargeysa Najiib Cabdiweli Cabdi kadib markii uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Weriyaha ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu ka degey diyaarad uu ka raacay caasimada dalka ee Muqdisho lamana oga sababta loo xirey inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in weriyuhu uusan wadan Baasaboor markii uu ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Toddobaadkii hore ayay maxkamad ku taal magaalada Hargeysa waxa ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah Abwaanad Naciima Qorane kadib markii lagu eedeeyay inay fidineysay hadalo lid ku ah maamulka Somaliland.