XOG: Xildhibaanadii Hormuudka U Ahaa Mooshinka Jawaari Oo Soo Jilcay.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Warar hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in xildhibaannadii ugu caansanaa mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka ay hadda wadahadal hoose wadaan.

Xildhibaannadan ayaa si hoose ula kulmay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana ay doonayaan in haddii qarash ka helaan guddoomiyaha ay dhankiisa soo noqdaan.

Xubnaha aan ogaannay waxaa kamid ah C/laahi Goodax Barre iyo sidoo kale Daahir Amiin Jeesow, balse arrin aysan ka fileyn Jawaari ayeey la kulmeen.

Jawaari oo isku kalsoon ayaa u sheegay in isaga aanu lacag ka bixin doonin cod uu isku difacayo, waxaana uu sheegay haddii ay dalka u daneynayaan kaliya mooshinka ay ka laabtaan, haddii ay lacag rabanna aanay is daalin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in Jawaari uu ku awood batay mooshinkii isaga laga keenay, waxaana laga yaabaa in mooshinkaan fahilmo kahor inta aanba la geyn golaha shacabka.