XOG: Ninkii Lacagaha Siinayay Fahad Yaasiin Oo La Xiray Laguna Eedeeyay Argagaxiso.

DOHA (XOGTA.NET) – Ninkii dhaqaalaha siiyay Fahad Yaasiin oo xabsi la dhigay laguna eedeeyay Argagaxiso Cabdiraxman Al Nucmani oo ahaa bare wax ka dhiga jaamacad ku taal dalka Qatar isla markaana ahaa nin dhaqaale badan siin jiray kooxda Al-Shabaab ayaa xabsiga la dhigay isagoo lagu soo eedeeyay argagixisonimo iyo in uu dhaqaale siiyo kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Cabdiraxman Al Nucmani ayaa ahaa shaqsi saaxib dhow la ah agaasimaha Madaxtooyada JFS Fahad Yaasiin, waxaana dadka inta badan aay sheegaan in uu ahaa shaqsigii dhaqaalaha badan siiyay Fahad Yaasin doorashadii lagu soo doortay Madaxwyen Farmaajo 8 Febraayo ee 2017.

Fahad Yaasiin in dhaweydba lagu sheegayo in uu gacansaar la leeyahay kooxda Al Shabaab ayaa waxaa soo baxayo caddeeymo muujinaya in aay arrintaasi dhab tahay.

Lama oga waxa aay ka sameyn doonaan sirdoonka reer galbeedka ee Soomaaiya ku sugan.

Safiirada reer galbeedka ayaa diiday in aay ku qaabilaan madaxda Soomaalida aqalka looga taliyo dalka ee Villa Soomaaliya, waana midda loo aaneynayo in aay sababteeda tahay tuhun badan oo aay reer galbeedka ka qabaan xiriirka Fahad Yaasiin iyo kooxda Al Shabaab.