XOG: Faarax Macalin, Aadan Barre Iyo Farmaajo Maxay Ka Mideysan Yihiin..? (VIDEO CADEYMO AH)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xildhibaan Adan Barre Ducaale oo Soomaalida Kenya ah (Ogaadeen) waxaa uu ahaa raggii inta badan u ololeynayey Farmaajo mudadii halka sano ahayd oo uu Dawladda ka mucaaradi jiray Nairobi, shalayna waxaa loo diiday xaflad loo qaban lahaa Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo niyad ahaan horay loo dhaawacay tanna loogu daray, kadib markii loo adeegsaday Qabiil “Daaroodnimo” sida uu rumeysan yahay Siyaasigaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Haddaba waa Su’aale maxaa Dowlada Kenya iska badalay oo aan ka hayn Qabiilka oo Cabdiraxman Cabdishakuur waa qabiil uu kasoo jeedo (Hawiye/Habar Gidir) aan laga rabin dalka Kenya waxaana shaqeeyey hadalkaan hoose ee Aadan Barre oo ahaa in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu noqday nin Darood ah.

Faarax Macalin oo hadda Xamar ku raaxeysanaya Hoteelkana looga bixiyo Canshuur laga qaaday Reerka (Hawiye) uu beenta ka sheegayo oo hore Fagaaro dad badan joogaan ugu yiri: “Hawiye Dawlad ma rabaan ee inay Shilimo  (Lacag) urursadaan ayey rabaan”.

Farax Macalin ma wuxuu illowsan yahay in Hawiyaha ay yihiin cidda kaliya ee dawladnimada Soomaaaliya ay ka dhiman la’adahay.

Bal haddi hadda ay tashadaan dawladdana ka joojiyaan canshuurta $42 Milyan muddo seddex bilood ah oo hantidooda u isticmaalaan sida maamullada reer Puntald ama Jubbaland u isticmaalaan waa maxay Dawladnimada jiri kartaa?

Beesha Hawiye cidda la qarxiyaa waa iyaga, cidda Canshuur laga qaadaa waa iyaga, cidda Dhallinyarooda ay dalka u dhintaan waa iyaga.

Tolloow kooxdan isku Qabiilka ah ee Faarmaajo ku daba feyshan  ma waxay rabaan in dalka dagaal sokeeye loo celiyo?

Runtii waa arrin naxdin leh oo uusan dabbaal sii garan Karin iyadoo ceebta Dadka la caayaya ee Hawiyaha ee Dulqaadka xad dhaafka ah leh waxyaabaha yaryar kama gilgishaan balse markey kacaan ayaa waxaa adag sida loo soo dejiyaa iyadoo ay quman tahay inay xaqooda ka aamusin iyagoo mar waliba ilaalinaya Qaranimada ay haddaba ilaaliyaan.

MAS’UULIYIINTA BEESHA

Sidoo kale, Xildhibanada qabiilka laga been sheegayo ee Baarlamanada ku jiraa, ragga Wasiirnimada ku haysataa awood qeybsiga ee beshaan magaceeda Golaha Wasiirada Xukuumada RW Kheyre kula jira, RW oo ku fadhiya magaca Beeshaan waxaa laga rabaa inay mas’uuliyadooda qaataan haddii kale waa in Beelweyntaan ka tashadaan dhamaantood, lagana shaqeeyo sidii loogaa badali lahaa kuwa u caddaalad fala beesha iyo beelaha kale.

Ma jirto dawlad  jiri kartaa haddii ay Beeshaan ka soo horjeesataa waayo waxaa Dawlada ah ninka Canshuurta Guryaha, tan Dhulka, tan Ganacsiga iyo tan Waddooyinka bixiyaa kaasna waa Beeshaan oo kaliya oo ah cidda xoog iyo xeeladba looga qaadaa canshuurahaas mana jiraan wax loogu badalaa.

DIYAARINTA CIIDAN GAAR AH

Madaxweyne Farmajo waxaa uu diyaarinayaa  ciidanka Difaaca Shacbiga (PDF) oo ay hogaamin doonaan Saraakiil  Dhallinyaro ah oo qabiilkiisa u badan.

Madaxweynaha ma oga miyaa inaan waxba qaadi karin ciidan kastaa haddii shacbiga Xamar oo la yaqaanno ay ka soo horjeestaan ama aysan la shaqeyn, sideysa kula shaqeeynayaan ciidan iyada iyo haldoorkooda ugaarsanaya.

Taarikhda wali ma dhiman waana la xusuustaa wixii ciidan la nacay ay la kulmeen, cudud kasta oo ay leeyihiin.

Farmajo ha iska dhaafo dhuumaleysiga Qabiil ee ha u caddaalad falo dadka jiritaakiisa dawladnimo uu ku xeran yahay kuwaas ah kuwa seddex bilood ku bixiyey $42 milyan ee ay caruurtooda ka dhuun-qabteen si ay loogu biilo caruur haddaba cadow looga dhigayo.

HAWALAHA QARSOON EE IMAARAADKA KA SOCDA.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gorgortan raba in uu kula galo Imaaraadka kuna xiro Shuruud in la cuna qabateeyo Ganacsatada beesha Hawiyie, waxaana uu ku andacoonaya in ganacsatada beesha Hawiye ay caqabad ku yihiin geeddi socodka dowladdiisa  sidaas darteed ay Imaaraadka kala shaqeeyaan in dhaqaalahooda jilbaha dhulka loo dhigo, si ay u oggolaadaan in dakadahooda la beeciyo, laguna khasbo inay ogolaadaan waxkasta oo dalka wax u dhimayaa.

BARNAAMIJKAAS OO UU FARMAAJO U DIRAY WAXAA KA MID AH:

  1. In la diinwaageliyo Ganacsatada ka soo jeedda dhalasha ahaan Muqdisho iyo Qabiill ahaan.
  2. Inaan loo cusbooneysiin waraaqaha degenaasho iyo ruqasaha Ganacsi ee Imaaraadka ku leeyihiin.
  3. Inaan loo ogolaan inay Xamar u raraan Ganacsi oo loo wareejiyo ganacsiga Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo si maciishadda iyo nolosha Xamar ay u adkaato oo dadka Xamar joogaa u baahdaan si loo gumeyn karo.
  4. In shirakada Isgaarsiinta ee ku xeran Itisaalaadka Imaaraadka laga jaro, dawladda Xamar fadhidaana ay la wareegi doonto si dhaqsa ah furaha Caalamiga ah ee +252, si Hormuud iyo Nation jilbaha dhulka loogu dhigo.

Haddaba waddamada Carabta waa qabiillo waxayna intaas isticmaalayeen qaab Qabiileedka waxayna Imaaraadka bilaabayaan in la cunaqabateeyo Ganacsatada Xamar wax u dhoofisa iyo dadka deggenaanshaha ku leh dalkaas oo aan loo cubooneysiin doonin, iyadoo Xawaaladaha loo diyaarinayo in la  xero si qabiilka Xamar deggan loo wiiqo.

Tolow MW farmaajo ayaa moog in Xasan Cali Kheyre uu Hawiye yahay, misa Xasan Kheyre laftiisa ayaa moog inuu Hawiye yahay, haddii kale khaladka waa  iska ceshan lahaayeen oo doonta la saaran yahay dhexda lagama duleelin lahayn oo haddii biyaha ay soo galaan waa lawada gayaa iyadoo Dalkan inuu burburo cid ay dan gu jirto aysan jirin xaqiiqdii.

WEERADDII ODAYAASHA ISKU BEESHA AH

Weerrarada Cabdiraxman Cabdishakuur, Senator/General Cabdi Qeybdiid, weerarka Deegaanka iyo xafiisyada Ganacsade Xildhibaan Caddow cali Gees, waxaa la leeyahay waxaa waddada ku soo jira mid lala damacsan yahay Cabduqadir Cosoble.

Weeradaan waxay ku wajahan hal beel oo kaliya, kii soo qaban lahaa NISA, kii u xaaleyn laahaa Axmed Cali Daahir, kii amri lahaa Farmaajo ay isku beel yihiin, iskuna ujeddo yihiin waxay caddeynayaa inaanu Dalka sidaan ku sii socon karin oo ay iman karto in mar kale Xamar la gubo waana ujeeda Faarax Macalin, Aden Barre, Farmaajo, Cabdiweli Gaas iyo Axmed Maadoobe isu keeneysa maanta iyadoo ay muuqato muuqato in ciidankii Qaranka loo isticmaalo in lagu cabburiyo ama lagu weeraro dad gaar ah.

Ciidanka NISA oo ay ammaradiisa bixiyaan Zakariya Ismaciil iyo Kulane oo ay Farmaajo beel hoose yihiin, Abaanduulka CXD Jeneraal Caanood oo ah ninka hawlgallada ciidanka CXD Soomaaliyeed amraya oo haddii NISA kari weyso guriga ama goobta Madfac ugu jebin doona.

Isku soo duub dadka Xamar deggan, Culimadooda, Xildhibaanadooda, Ganacsaatooda, Siyaasiyiintooda iyo Dhallinyaradooda inay fahmaan in dalkan ay iyagu yihiin cidda kaliya ee Dawladnimada ay ka dhiman la’adahay, waxaana laga rabaa inay meel gaarsiiyaan balsa ka ilaaliyaan kuwa damacooda Qabiil ama shakhsi ku duminaya ama iyaga haka dhashaan ama beelaha kale ha ka dhashaan.

Tusaale MW Farmajo waxaa ka horreeyey laba Madaxweyne oo beeshaan la baacsanayo ka dhashay, Shariif Sheekh Axmed oo ku meel gaar dalkaan ka soo saaray iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo salka u dhigay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya,  waxay dalka ka ilaalinayeen inay beeshooda sedbursato oo xataa mararka qaar waxay ka qaadayeen xaqeeda si beel kale loogu maslaxo, taariikhduna waxay qori doontaa in beeshan  iyo hogaamiyaayashii ka dhashay ee Adan Cabdulle uu ugu horreyey Xasan Sheekh-na uu ugu dambeeyey, ay Qaranka abaal gaar ah ku leedahay.

Farmaajo oo ay isku qabiil yihiin Maxamed Siyaad oo dalkaan burburiyey waxaa uu talada dalka hayaa wax ka yar 14 bilood waxaana uu durbaba bilaabay Qabiilinimo iyo Qaran Dumis oo bilkasta waxaa u go’naa inuu Mushakilada ka dabbaasho.

Tolow waanaajinta ama burburinta  dalka ma la iska dhaxlaa misa waa la isaga daydaa?

Waa iska caddaan  in mararka qaar taariikhdu aysan naxariis badneyn bannaankana aysoo dhigto siro silloon.

Madaxweyne Cali Mahdi, MW Cabdulqasim Salad,  MW Shariif Sheekh iyo MD Xasan Sheekh ma waxay Aden Cabdulle ka hiddo-raaceen oo ay kaga daydeen wadan Jaceylka iyo inay xukunka ku takri falin?

Inkastoo aan wax baadan laga sheegi karin MW Cabdurashid Cali Sharmarke oo kursiga laga dishay haddana MW Cabdullahi Yuusuf iyo Madaxweyne Farmaajo ma waxay hab-dhaqanka Dawladnimo iyo ku takrifalka awoodda Qaranka kaga daydeen Maxamed Siyaad Barre ?

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida waa Qabiillo oo walaiba hadda loo jideeyey inay qabiil wax ku qeybsato 4.5 marka in hogaamiye waliba looga tusaaale qaato kii horreyey qabiilkiisa ahaa waa habdhaqn jira.

ISHA: MO