XOG: DFS Oo Abaalmarisay Xildhibaanadii Mooshinka Jawaari Saxeexay Balse Shuruud Kale Ku Xirtay (MAGACYADA)

XILDHIBAANADII MOOSHINKII JAWAARI LAGU RIDI LAHAA SAXIIXAY
XILDHIBAANADII MOOSHINKII JAWAARI LAGU RIDI LAHAA SAXIIXAY

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Dawladda ayaa waxay xildhibaanadii mooshinka saxeexay siisay xildhibaan waliba $5000, taas oo ahayd khaddii qalinkiisa uu ku khasaariyey warqaddii mooshinkii Jawaari-ridka, waxaana loo sheegay in wali waajibaadkii ay dawladda lacagtaan ku bixisay uusan dhammaan oo qeybtii hore ee Jawaari-ridka laga soo gudbay, haddana loo gudbay qeybtii dambe oo ah sidii xildhibaanadaan  dhamaantood, illeyn waa af cunay xishoo oo Alle ka cabsi ka tagaye, inay u codeeyaan guddoomiyaha ay Ictizaam, Xukuumadda iyo Madaxtoyada rabaan.

Guddoomiyaha cidda loo wado oo ay wali isku racin villada, RW iyo Ictizaam ayaa waxaa laga rabaa inay xildhibaandii u codeeyey mooshinkii Jawaari-ridkii inay haddana sidii iyo si la’eg ugu codeeyaan shakhsi caana madaadiye ah oo hadda la tashkiilinayo kaas oo noqonaya gudoomiyaha cusub ee golaha shacbiga. Xidhibaanadan waxaa loo sheegay inuu noqon doono qof la soo hubiyey oo aan maranaba dawladda ula imaaneyn eraydii la xisaabtan, daah furnaan iwm uu marka horaba soo saxeexi doono warqaddii uu Jawaari eedey markii uu diiday inuu saxeexo. Waraaqdan oo halkaan ku jirtaa waxaa ku cad waxa laga rabo gudoomiyaha cusub oo loo kenay.

Habeen hore ayaa hawshaas  qeybteedii hore si fiican la isu afgartay waxaana koox waliba loogu dhiibay khidmadeeda dhowr qof oo sida sharcigu qabo lagu qeybiyey 4.5 haddii kale waxaa jabaya xeerka 4.5.

Hawlahaasna sidaan ayey u dhaceen: $5,000 ayaa la siiyay dhamaan inta ku saxiixan liiska hore. Dadka qaar ayaa xilal loo ballan qaaday, qaarna dhaqaale badan ayaa la siiyay iyadoo la fiirinaayo saamaynta ay leeyihiin. Sidoo kale waxaa qeylidooda iyo Af dheeridooda lagu abaalmariyey Xil Zakariye iyo Cali Ganey oo loo iibiyay baabuur aan xabadda Karin. Tolow xaggee looga tagay Cabdullahi Sh Ismaciil oo sharci aqoontii iyo waaya-aragnimadii meel dhigtay iyo Xil Dahir Amin Jesow oo loogu iibin waayey gawaarida geeri-celiska loo qaatay.

BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE:

  1. Xil Yacquub
  2. Xil Abdirahman Amardambe
  3. Xil Xussen Sh Batni

BEESHA HAWIYE:

  1. Xil Cali Ganey
  2. Xil Abtidon Yare (mulkiilaha Hotel SYL)
  3. Xil Carabow
  4. Xil Cabdurahman Dheere

BEESHA DIR

  1. Xil Xusen Carab Ciise
  2. Xil Maareeye ( Wasiirka ganacsiga)

BEESHA DAAROOD:

  1. Xil Xayir (wasiira dowlaha maaliyadda)
  2. Xil Daleys

BEESHA 5AAD:

  1. Xil Khadiijo Diiriye ( wasiirka dhalinyarada)
  2. Xil Abdirashiid Shikhalow ( Wasiirka Batroolka)
  3. Xil Maxamed Cabdikafi

Ogaada wixiinna shkhsiyaadkan ayaa la idiim kudu soo dhiibay ayaa la yiri ee bal cidden wali gacntu daarin war doon

Sida cad lacagta ku baxday ma badna oo waa 191  xildhibaan oo min  $5000=$955,000 tolow meeqa ceel ayey u qodi kartay dadka abaaraha hayaan? Meeqa dugsi ayey dhisi kartay? Meeqa askari ayey mushaar u noqon kartay? Meeqa…. Meeqa? Waa dood furan oo u baahan inuu dhadhamiyo xildhibaan daacad ah oo Alla ku darsatay dhaartii kitaabka quraanka ku maray.

Walaalayaalow wixii aad qaadateen waa idinku tageen balsa hadda wax noo xeeriya oo shakhsi maalinta ay adag tahay idin hogaamin kara doorta. Ogaada khaladka dad badani ay hadda idinka tirsanayaan waa iyadoo hadda la’aaminay inay xildhibaanadii idnka horreeyey ay idinka fiicnaayeen waayo caadifad ayaad wax noogu soo qaadeen oo beenta iyo haddallada xamaasadeysan ayaad ka soocan weyseen xaqiiqda ku hoos qarsan ee uu qofku yahay. Hadda waxbaa idiin kordhay dalkaan daba qabo  xildhibaan haddii kale dhaartii ha ku qabato inshaa Allaah.