Xil. Geeseey Oo Isku Sharaxaya Xilka Guddoomiyaha Barlamaanka (XOG)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Sida la ogaaday, xildhibaan C/fitaax Geesey oo siyaasadda kasoo galay dhanka Warbaahinta ayaa doonaya inuu kamid noqdo shaqsyaadka kasoo jeeda K/galbeed ee isku soo sharaxaya guddoomiyaha golaha shacabka ah.

Geesey ayaa la sheegayaa inuu xoojiyey wadahadallo hoose oo uu la leeyahay siyaasiyiin iyo xildhibaanno, waxayna rajadiisa tahay, markii uu Jawaari baxo in uu xilkaasi ku qabowsado.

C/fitaax Geesey ayaa tageero aan badneyn wuxuu ka helayaa sida la sheegay maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood, balse lama hubo in K/galbeed ku jiryto.

Si kastaba ha ahaatee, Shaqsiyaad badan aya isku soo sharaxaya xilkaan guddoomiyaha golaha shacabka ah, balse lama oga sidey wax noqon doonaan.