Xil. Damul-Jadiid Oo Si Xeeladeysan U Badbaadinaya Jawaari “QORSHE CULUS”

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xildhibaannada Damuljadiid ee golaha shacabka ku jira ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay si hoose ugu heshiiyeen iney badbaadiyaan Jawaari, si aanay xukuumadda guushii ay lahayd u gaarin.

 Xildhibaannadan ayaa ku ballamay in xoog iyo xeeladba adeegsadaan, haddii qarash loo baahdana aanay ka baqaylin Jawaari oo ay aad isugu dhow yihiin.

Ulajeedka ayaa ah sida naloo sheegay in xukuumadda Kheyre la rido marka la badbaadiyo Jawaari, sidaasina ay Farmaajo awood qeybsi kula heshiiyaan oo ugu yaraan dhankooda uu noqdo ra’iisul wasaaraha.

Xeelado badan ayaa soconaya, waxaana lagu doonayaan in mooshinka looga difaaco guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.