Xasan Sheekh Oo Fariim Culus U Diray Dowlada Farmaajo (AKHRISO)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin kooban usoo diray dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo ku aadan khilaafka ka dhex jira xildhibaannada golaha shacabka iyo sidoo kale xukuumadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo xasiloonida dalka, lagana gudbo khilafka jira.

Waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay golaha shacabka iyo xukuumadda in xaaladda qaboojiyaan, islamarkaana wax walbo lagu dhammeyo wadahadal iyo is faham.

“Khilaaf wax ma dhiso, dalka horey buu u socdaa, ma ahan in hadda gadaal loo laabto oo khilaaf la bilaabo, waxaan ku baaqayaa in xasilooni siyaasadeed la sameeyo, lagana fogaado wax walbo oo shacabka niyad jab ku ah” ayuu yiri Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka dhaxeeya golaha shacabka iyo xukuumadda ayaa xooggeystay, wallo ay jiraan xildhibaanno difacaya xukuumadda.