Xaguu Marayaa Mooshinkii Jawaari Iyo Isbadalo Dhacaya (AKHRISO)

Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Saacadba saacadda ka dambeysa waxay warar dheeraad ah kasoo baxayaan xarunta Villa Soomaaliya iyo sidoo kale Villa Hargeysa, waxaana ay ku saabsan tahay mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Xogtii ugu dambeysay ee aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in arrinta socota sidoo kale ay kusoo baxeen Odoyaal dhaqameed doonaya in dalka aan dhibaato loo horseedin.

Waxaa suurtagal ah in xilliyada soo aadan la keeno warqad qoraal ah, kuna saxiixan madaxda jgu sarreysa dalka, taasi oo xal looga gaarayo khilaafka.

Waa suurtagal in weli xukuumadda ay ku adkeysato mooshinkeeda, hase ahaatee wadahadallada ma ahan kuwo joogsaday habeen iyo maalinba.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka ayaa ah kuwo aad ugu dhego taagaya waxa ka soconaya Villa Soomaaliya, xilli walbana waxay dadki filayaan isbedallo yimaada.