Telefishinka Soomaaliyeed RTN Oo Hawada Satellite-ka Thaicom Ka Saartay Dowlada Itoobiya (SABABTA AKHRISO)

NAIROBI (XOGTA.NET) – Telefishinka RTN TV ee xaruntiisa tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa laga saaray Satelite-ka Thaicom oo ah Satelite-ka ugu badan ee Telefishinada Soomaalida ka soo galaan.

Qoraal uu bogga Facebook ku leeyahay Telefishinka RTN ayaa lagu sheegay in muddo 24 saac ay hawada ka maqan yihiin, kaddib dacwad ay ka gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan daawdayaasha RTN TV meel walba ay joogaan in hawada satelliteka Thaicom aan ka maqanahay muddo 24 saac, sababtuna ay tahay warqad ay qortay Wasaaradda Warfaafinta Ethiopia oo dacwo u gudbisay shirkadda lalisa TV-yada Soomaalida ee Thaicom, kuna amartay in hawada lanaga saaro. Ma jirto wax dacwo qoran oo lanoo soo gudbiyay”ayaa lagu yiri Qoraal la soo dhigay bogga Facebook ee Telefishinka.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in si gaar ah Telefishinka u dacweysay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo horay sidan oo kale u dacweeyeen Telefishino Soomaali ah, kaddib markii ay dhibsadeen warar laga sii daayay.

Isku soo duuboo, Telefishinka RTN TV ayaa hada laga daawan karaa oo kaliya gudaha Kenya.