Taliye Koofi Oo Sheegay Inay Dalka Ku Dhuumaaleysanayaan Ajaanib Dabiyo Soo Gashay.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo ah Agaasimaha Hogaanka Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyada Ee Dowladda Soomaliya
Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo ah Agaasimaha Hogaanka Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyada Ee Dowladda Soomaliya

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo ah Taliyaha Hogaanka Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyada Ee Dowladda Soomaliya ayaa daaha ka qaaday in Soomaaliya gudaheeda ay ku dhuumaaleysanayaan ajaanib dambiyo soo gashay.

Taliye Koofi ayaa cadeeyay Ajaanibta ku sugan Dalka in tirakoob rasmi ah lagu sameyn doono si loo ogaado kuwa dambiyada soo galay ee la baadi goobayo isla markaana ugu wareejiyaan hay’addaha Amniga.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa si fudud looga soo talaabayay xuduudaha Dalka, sidoo kale waxaa fududaatay in baaritaan o dheer la’aan ajaanib ay ku soo qulqulaan Dalka.