Sidee Xilka Looga Xayuubin Lahaa U Weyn Karaan Guddoomiyaha & Ku Xigeenada Baarlamaanka…?

Guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari
Guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Waxaa si weyn loo hadal hayaa qaabka loo marayo xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii mooshin laga keenay la isku waafaqay in la guda galo.

Qodob kamida dalabkii Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) hordhigay madaxweyne Farmaajo ayaa ku saabsanaa in cod-bixintu u dhacdo si qarsoodi ah, taasoo ku cad xeer hoosaadka Baarlamaanka, ahna qaabkii hore lagu doortay guddoonka Baarlaaanka.

HADDABA HOOS KA AKHRISO QODOBKA 9-AAD EE XEER HOOSAADKA OO CADDEYANA ARRINTAN

QODOBKA 9-AAD:

KA=LAGU QAADAN.

Xil Waayidda Guddoomiyaha Golaha iyo Labadiisa Ku-xigeen.

  1. 1. Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:
  2. a) Geeri
  3. b) Istiqaalo qoraal ah oo uu soo gudbiyay Golaha ama mid oraah oo uu ka sii daayay warbaahinta
  4. c) Maqnaansho cudurdaar la’aan ah oo gaaraysa 45 cisho oo isku xigta.

HALKAAN DAAWO

dHARBAAXADA: MAXAA LOO SAARAUA WBKEEDA JCLEED