Shariif Xasan Oo Diyaariyay Qofkii Lagu Badali Lahaa Jawaari {WAA KUMA..?}

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan
Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa durba waxa uu magaalada Muqdisho keenay Shaqsi la sheegay in la doonayo in lagu bedalo Guddoomiye Jawaari.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in shaqsigan ay laf ahaan isku dhow yihiin Jawaari, hase ahaatee ay aad isku fahamsan yihiin Shariif Xasan.

Shaqsigan oo aan weli helin magaciisa ayaa naloo sheegayaa inuu ka yimid dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, waana ganacsade.

Shariif Xasan waxaa ka go’an in meesha laga saaro Jawaari, wuxuuna kaalin weyn ku leeyahay mooshinka ka dhanka ah Shariifka.

Ilaa hadda lama oga sidey wax sii ahaan doonaan, balse xaalka Muqdisho siyaasad ahaan maalmahan dambe aad buu u qasan yahay.