Shariif Xasan Oo Dagaalka Jawaari Ugu Baxay Farmaajo Iyo Kheyre (XOG)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa waxaa uu si kedis ah uga baxay dagaalkii lagu ridayey Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Sh Cusman Jawari. Shariif waxaa rag saaxibbo ah uu u sheegay in uusan  wiligii galin dagaal uusan guushiisa hubin. Sariif Xasan waxaa uu yiri” Anigu ma galo dagaal aan guushiisa la hubin, kanna waxaa la hubaa guuldarradiisa”.

RW Kheyre oo markii horaba u dagaalka geliyey Shariif Xasan ayaa aad uga naxay in Shariif Xasan uu uga siibtay markii uu goob cidlaa soo dhigay. Kheyre waxaa uu aad isugu halleynayey in Shariif Xasan uu guusha keeni doona, hasa yeeshee waxaa hadda muuqata sidii uu qiray shariif Xasan oo xariifnimo ceynkaas ah lagu yaqaanno inay guuldarreysteen Kheyrre iyo kooxdii la socotay oo iyaga xataa kala jabay mar haddii ay ogyihiin in Shariif Xasan aanu  dagaalka ka bixi lahayn haddii wax guul ah laga filan karo.

KHEYRE MAXAA U DAN AH?

RW Kheyre mar haddii khiyaanadii ahayd in Xiddig la keeno oo ugu dambeynta Farmajo lagu rido lagu fahmay. Marhaddii Shariif Xasan Dagaalka uga baxay. Mar haddii xildhibaanno badan ay garteen halka dalka uu ku wado inay khaldan tahay waxaa kaliya ee u haray waa inuu iska tago waxaana wararka ay leeyihiin waxa uu hadda ku jiraa la tashiyadii ugu dambeeye si uu isu badbaadiyo magac ahaan

Kheyre waxay kala tageen reerka uu matalo. Waxay kala tageen Shariif Xasan. Waxay kala tageen shacbiga Soomaliyeed. Waxaa shaki weyn soo kala dhexgalay isaga kooxdii Farmajo. Wuxuu kala garan la’ayahay ciddii uu aamini lahaa  Farmajo oo leh waxba ma dhicin ee hawsha wad iyo Fahad oo leh waa inaad iska tagtaa inta aan lagu dirin, waayo dagaal kasta oo aad na gelisay wuxuu noo soo jiiday in shacbigu na naco.

Cidda la nacay waa adiga ee madaxweynaha maaha sidaas darted waxaa kuu haboon inaad iska tagto. Haddii uu Jawaari soo noqdo oo hadda sida muuqato ah qofka ugu horreeya ay Barlamanka shaqo ka qabanayaan waa adiga. Marka waxaa iga talo ah inaad kursiga banneysid si aan Farmajo ugala xaajooda cidda kugu xigtaa ee aan keeni karno.