Senetorada Aqalka Sarre Ee Dhex-dhexaadinayay Kheyre iyo Jawaari Oo Warbixin Laga Dhageysanayo {XIISAD TAAGAN}

Senetorada Aqalka Sarre Ee Soomaaliya
Senetorada Aqalka Sarre Ee Soomaaliya

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kulankan ayaaan warbixin looga dhageesan doonaa Guddi dhawaan Aqalka sare u saaray Khilaafka Baarlamaanka ka dhax jira.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Aqalka Sare Axmed Macalin Cumar ayaa sheegay in maanta ay warbixin ka sugayaan guddigii ay u xilsaareen khilaafka ka dhextaagan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sida aan Wararka ku helnay Guddigan Aqalka sare u saaray ogaanshiyaha Khilaafka Baarlamaanka ka dhax jira ayaa la kulmay labada garab ee xiligan Baarlamaanka u kala qeyb san yahay waxa ayna ka dhageesteen aragtiyadooda.

Xildhibaano tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan mooshin ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka , mooshinkan ayaana buuq siyaasadeed ka dhax abuuray dowlada dhaxdeeda.