SAWIRRO: Wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye Oo U Hambalyeysay Xulka K/Cagta Soomaaliya Ee 17-Jirrada Ah Usoo Baxay Finaalka Koobka CECAFA.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Xulka Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray ciyaar dhex martay dhigooda dalka Uganda, iyagoo u soo gudbay Finaalka Koobka tartanka Cecafa ee xulalka da’doodu ka yar tahay -17 sano jirka.

Ciyaarta oo goor dhow soo dhammaatay ayaa xulka Soomaaliya waxay  1-0 uga badiyeen xulka dalka Uganda.

Ciyaarta ayaa qeybtii hore  lagu kala baxay barbardhac 0-0. Waxaana xusid mudan in Xulka Uganda uu iska qasaariyey Rigoore loo dhigay.

Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa laacibka Soomaaliyeed Farxaan Duqoow wuxuu Gool caaqiibo leh u dhaliyay xulka Soomaaliya, kaasoo guusha ay ku raacday ciyaartiina ku soo gabagabowday.

Xulka Soomaalida ee 17-ka sano ka yar ayaa ayaa hadda gaaray ciyaarta kama dambeysta ah ee Fiinaalka koobka Cecafa ee ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay -17-ka sano.

Ugu dambeyntii, Wasiirada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa Hambalyo u dirtay Xulka 17-sanno jirada Soomaaliya ee Sumcada usoo jiiday Qaranka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay Wasaaradeeda aad ugu faraxsan tahay Guusha ay Xulkaasi usoo hoyeen Qaranka iyo Ummada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, intii ay Xilka Wasiirada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye loo magacaabay waxa ay Guuulo waa weyn usoo hoyisay Qaranka Soomaaliya iyadoo Horumar xoogan ka geysatay arrimaha Cayaaraha iyo Dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ay u Dhaaratay.