RW Xasan Kheyre Oo La Kulmay Wasiiro Iyo Xildhibaano {MAXAY KA WADA HADLEEN..?}

Xasan Cali Kheyre - RW Xukuumadda Soomaaliya.
Xasan Cali Kheyre - RW Xukuumadda Soomaaliya.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan waqti badan qaatay Waxa uu la yeeshay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Waxeyna ka wada hadleen Xiisada dhinaca xadka.

Xasan Cali Kheyre Kulankiisa waxaa ku wehlinayay Wasiirada arimaha Gudaha iyo Dibeda ee Xukuumada Somaliya, Waxaana wax badan la iska weydiiyay Xiisada dhinaca Xadka iyo waxa xiligan soo cusbooneysiiyay, Kheyre waxa uu faray Wasiiradiisa iney il gaara ku hayaan arintan maadaama ay tahay mid Qaran.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, qeybna ka ahaa Kulanka ayaa soo bandhigay warbixinta ku saabsan wixii ay ku soo arkeen Magaalada Beledxaawo oo ay tageen bilowgii sannadan markaas oo Dowladda ay guddi u dirtay Xadka oo uu hogaaminayay Wasiirkii arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Xildhibaan Warfaa ayaa sheegay in Shacabka ay arintan uga danbeeyaan Dowladdooda aan marnaba aqbaleynin in taako kamid ah Dhulkeeda sifo aan sharci eheyn lagu qaato, Madaxweynayaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay iney ka fariisan doonaan arintan si xal looga gaaro.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in Soomaaaliya iyo Kenya aaney kala maarmin maadaama ay ilaashanayaan Danahooda gaarka ah iyo midka guud ee Gobolka oo ay tahay in si wanaagsan loo wada shaqeeyo.