RW Kheyre Oo Xafiiskiisa U Magacaabay Masuul U Qaabilsan Warfaafinta Iyo Isgaarsiinta (WAA KUMA..?)

Yacquub Maxamed Cabdala
Yacquub Maxamed Cabdala

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay agaasime cusub oo ku soo biiraya xafiiskiisa, kaasoo qaabilsan dhinaca Warfaafinta.

Ra’iisal wasaaraha ayaa Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa u magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla oo ah saxafi ka soo jeeda Puntland, soona noqday ku xigeenka Duqa Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sidoo kale Yacquub Maxamed Cabdala ka mid ahaa Weriyeyaasha ka howlgala Gobolka Mudug, isagoo kasoo shaqeeyay  Radio Gaalkacyo iyo Tv-ga Universal.

Si kastaba ha ahaatee, Xilka agaasimaha warfaafinta xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa hore u hayay C/qaadir Maxamed Cashir nadaara oo hadda ku soo koobmaya la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha, waxuuna Nadaara sababtay in Xilkaan laga qaado kadib markii Wariyada weyn ee Aamina Muuse Wehliye ay Fadeexadiisa dibadda soo dhigtay iyo Musuq-maasuq baahsan oo lagu helay kuna saabsanaa Lacago Xafiiska ugu tala-galay Saxafiyiin howlo badan u qabtay oo uu Jeebka ku ritay Nadaara.