RW Kheyre Iyo Safiirka Imaaraadka Ee Soomaaliya Maxay Ka Wada Hadleen..?

MUQDISHO (XOGTA.NET) – RW Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kula kulmay xarunta safaaradda Imaaraadka aay ku leedahay magaalada Muqdisho safiirka Imaaraadka Maxamed Othman Al Hammadi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa XOGTA.NET u xaqiijiyay in mowduuca wadahadalkooda uu la xiriiray mooshinka uu RW Kheyre rabo in uu xilka kaga qaado Gudd. Maxmaed Cismaan Jawaari.

RW Kheyre ayaa dhaqaale u raadinaya sidii Jawaari xilka looga tuuri lahaa maadaama uusan haysan tiradii laga rabay in uu kalsoonida ku waayo Gud. Jawaari

Guddoomiye K/X Baarlamaanka JFS Mahad Cawad oo wareeysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in mooshinka laga keenay Gud. Jawaari uu la xiriiro shirakadda DP World.

RW Xasan Cali Kheyre ayaa ku jira rafasho siyaasadeed waxaana soo food saaray culeysyo siyaasadeed oo la saadaalinaayo in uu isaga xilkiisa ku waayo.

RW Kheyre ayaa codsi waawarey ah u dirsaday dowadda Itoobiya in laga shaqeeyo sidii loo dhexdhexaadin lahaa isaga iyo Jawaari, balse Itoobiya oo adeegsaneysa urur goboleedka IGAD ayaa soo saartay warsaxafadeed kuna eedeysay Gud. Jawaari in uu ka shaqeynayo in uu xilka ka qaado RW Kheyre, War Saxaafadeedka IGAD ayaa ah mid runta ka fog, waayo waxaa la wada ogsoonyahay in RW Kheyre uu isaga mooshin ka keenay Gud. Jawaari, isla maraana aanay jirin mooshin ka dhan ah Kheyre oo la keenay Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale xildhibaano kor u dhaafay 100 oo taageersan Gud. Jawaari aay maanta ku eedeeyeen Gud. K/X Cabdiwali Muudeey in aanu dhexdhexaad ka ahayn mooshinka oo uu dhinac la saftay.

Waxaa lagu wadaa in ugu danbeyn Maalmaha soo socdo Mooshinka uu bilaaban doono dooda iyo u codeynta, walow aay aad u adag tahay in Gud. Jawaari uu waayo kalsoonida golaha Shacabka.