Muuse Biixi Oo Eedeyn Culus U Jeediyay Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

HARGAYSA (XOGTA.NET) – Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa markale eedeyn uu u soo jeediyay Dowlada Federalka isagoo sheegay inay farogelin ku hayso Somaliland.

 

Muuse Biixi Madaxweye Somaliland oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dowlada uu madaxda ka yahay Farmaajo ay dagaal kula jirto heshiisyada ay Somaliland la gashay dowlada Imaaraadka Carabta iyo shirkada DP World ee lagu wareejiyay maamulka dekada Berbera.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay qoraalkii uu dhowaan safiirka u fadhiya qaramada midoobay u gudbiyay golaha ammaanka inuu ahaa mid ay ku dooneyso dowlada Soomaaliya in balse ay Somaliland uga dan leedahay si heshiisyada looga noqdo.

“Lama qaadan karo waxay wadaan nimankaasi waynu kala go’nay oo howsheena ayaanu wadeynaynaa, 100 sano ee soo socda waxay wadaa dowlada federaalku waa dhibaato ay dhex dhigtay jiilasha soo koraya” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku tilmaamay xukuumada Federalka inay tahay mid aan dooneyn in dadka kale ay shaqeystaan.

“Xukuumada Xamar ka dhisan waa niman aan ogoleyn inaad shaqeysato” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxwayne Biixi waxaa uu kale oo uu sheegay inay beesha caalamka u gudbiyeen qoraalo ay kaga jawaab celinayaan codsiga dowlada federaalku u gudbisay jimciyada quruumaha ka dhaxeyso.

Shirka jaraa’id ee madaxwaynaha Somaliland ayaa imanaya kadib markii uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta ugu sareysay Somaliland maalmihii lasoo dhaafay.

Arrinta  ku saabsan heshiisyada Somaliland la gashey dowlada Imaaraatka ayaa ka dhex dhalisay xiisas siyaasadeed madaxwayne Farmaajo xukuumadiisa iyo xukuumada ka arrimisa deegaanada Somaliland.

Baarlamaanka Federalka iyo Dowlada Federalka ayaa ka horyimid heshiiska uu maamulka Somaliland la galay shirkada DP World taasoo saami gaaraya boqolkiiba 31 laga siiyay dowlada Ethiopia.