Muudey Oo Xildhibannada U Qeybiyey Dastuurkii Uu Sheegay In La Xaday {QODOB YAAB LEH OO LAGU DHEX ARKAY}

C/Wali Shiikh Ibraahim Muudey - Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Baarlamanka Soomaliya
C/Wali Shiikh Ibraahim Muudey - Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Baarlamanka Soomaliya

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa xildhibannada Baarlamaanka maanta u qeybiyay nuqulka Dastuur uu sheegay in la xaday oo ay kii ay ansixiyeen ergadii Soomaalida ee 830-ka ahayd oo laga keenay degaanada Soomaalida.

Nuqulkan ayaa ugu horeyn waxaa isha xildhibaannada ku dhacay qodobka 91-aad oo ka bedelan dastuurka KMG ah ee hadda lagu dhaqmo, waxaana qodobadda yaabka leh ee ku jira ka mida in:

  1. MUDADDA XILKA MADAXWEYNAHA AY TAHAY 5 SANO.
  2. INUU MADAXWEYNAHA KALA DIRI KARO BAARLAMAANKA IYO QODOBO KALE.

Si kastaba ha ahaatee, Dood ayaa la filayaa in laga furo arrintan, iyadoo wararka qaarsheegayaan in C/weli Muudey ujeedkiisu yahay mashaquulinta xildhibaannada  kadib doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka si aanay ugu suuragelin inay xukuumadda ku soo jeestaan.