Muqdisho Waxa Ka Socda Ma Inqilaab Baa Misa Waa Mooshin? (QORMO)

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Si ay u kala caddaato in waxa socdaa ay yihiin mooshin iyo Inqilaab ayaan waxaan dib u raacnay bal waxa labadooda ka dhaxeeya io haddii ay jiraan calaamado nook al ifin kara.

Asal ahaan-se Maxaa loola Jeedaa Inqilaab? Waa in hay’adda Fulinta ee dalka iyadoo adeegsaneysa awoodda ciidanka inay la wareegto hay’adaha sharci-dejinta iyo Garsoorka labadooda ama middood.

Asal ahaan Maxaa loola jeeda Mooshin? Mooshin waa marka xubnaha hay’adda sharcidajinta ay soo gudbiyaan dacwad ka dhan ah madaxda dalka ama hay’adaha dalka iyagoo ka madax bannaan labada hay’adood ee kale sida hay’adda fulinta iyo tan garsoorka, waana in hay’adda sharcidejinta ay si caadi ah u shaqeyneyso oo uusan jirin ciidan labada hay’adood ee kale midood ama labadooda ka amarqaataa inuusan soo dhexgelin. Haddiisa uu soo dhexgalo waa inqilaab cad oo xoog lagu muquuniyey hay’addii sharcidejinta. Sidaas darted, waxaa hadda Ka socda Muqdishu wuxuu noqonayaa Inqilaab cad.

Maxay wadaagaan Inqilaabkii 21 Oktober 1969?.

Asal ahaan dalkaan, sannadkii  1960 kii dadka Soomaaliyeed waxay doorteen Dowlad leh Dastuur kala sarreeya oo leh 3da Hay’adood ee Dowlada (Sharci-Dajinta, Fulinta iyo Garsoorka), balse dalkaan waxaa Blaayo madow ku habsatay habeenkii madoobaa ee Oktober 21, 1969 kii markii niman ku hubaysan Tangiyo afka ciida u geliyeen Hay’adihii Sharci Dajinta iyo Garsoorka ayaga oo adeegsanaya Hay’addaha Fulinta tii ugu xooga badneed, waxaa maalintaas godka dheer ku dhacday Somaliya, sababta oo ah waxaa habeen-madow la bililiqeystay rabitaankii ummadda.Dastuurkii Dalka daaqada ayaa laga tuuraay, mudanayaashii la-doortayna xabsiga ayaa loo taxaabay,Ka dibna waxaan la bilaabay in dalka lagu maamulayey Qaanuun-ka Duur-Joogta (gun-power) in Ka badan 21 sano.

Arinkaas ama xukun-kaas ku dhisan Xeer-ka Duur-Joogta waxaa ka dhashay in la bur-buriyo dhaqankii suubanaa ee qofka Soomaaliga, bulshadiina waxaa lagu marin-habaabiyay been-been iyo Hanti-Wadaag ku sheeg, qofka Soomaaliga ah waxaa laga dilay qiyamka sida ku dhiiranaanta runta, u-hiilinta cadaalada, sidaas oo kale waxaa si ba’an loola dagaalamay Diinta Islaam-ka markii falsafada iyo fahamka Diinta Islaam-ka la Hanti-wadaageeyay.

Dadka Soomaaliyeed oo asal ahaan faqiir ahaana waxaa dhaqaale ahaan lagu soo rogay hab-jacbur ah (socialism)?

Sidiisaba Hanti-Wadaaggii been-beenta ahaa waxaa loogu talagalay waddamada Warshadaysan (industrial society), balse aqoondarro darteed Askartii xukunka dalka xoogga ku qabsatay  waxay isku dayeen in ay ku dabbaqaan dad xoolo dhaqato ah. Dhanka Ciidamada waxaa dareyska ciidanka (Tuute) loo-geliyay inamo yaryar oo badankood geeljirayaal u badnaa, Ka dibna dagaal indho la’aaan ah ayaa Itoobiya loogu diray, halkaas ayeyna ku soo halaagsameen, ilaa iyo saacadaan aan qoraalkaan qoraayona ma jirto cid loo haysto  kunnaankun ee wiil Soomaaliyeed ee xabadu ku leeftay Buuraha KaaraMardha iyo BankaJigJiga.

Muddo 8da sano Ka bacdi Kacaan kusheegii Lugooyada dadka Soomaaliyeed waxay taagnaayeen goobcidla ah; dhaqan ahaan, diin ahaan, dhaqaala ahaan iyo ciidan ahaanba.  Soomaaliya waxaay noqotay wadan sabool ah oo ka dawarsada Washington, Roma, iyo Riyadh. Dhamaan dhibaatooyinkaas oo dhan waxaa saldhig u ahaa in Hay’ada Fulintu xoogtay ama bililiqeysatay labadii Hay’adood ee kale. Natiijadii Ka dhalatayna waxay noqatay in qof kasta oo Soomaali ah ka shaqeeyo sidii uu uga baxsan lahaa Xabsiga furan ee Oktober tii madoobed ummaddaan biday.

10 sano oo iska daba-wareeg iyo kadeed ah waxaa shacbiga Soomaaliyeed u suurta gashay in aay Janaayo 26, 1991 in Jaay Afka ciida u geliyaan bililiqeystayaashii mudada dheer Ka deedka ku haayay. Balse maxaa dhacay?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ayax tag Eelna Reeb.  21kii sano ee Kacaan ku sheegii lugooyada waxaa ku dhex barbaaray duul aan kala aqoon xaaraanta iyo xalaasha, duul aan kala aqoon qabiilka iyo qaran, duul aan kala aqoon aduun iyo aakhiro, October waxay dhashay Shacab Ka arradan dhaqanka suuban, diinta suuban,  iyo dareenka Soomaalinimada. Waxaas oo dhan oo dhibaato ah waxaa u sabab ah bililiqadii October 21 keedii 1969 kii uu Maxamed Siyaad, Farmajana ay isku reer yihiin? Tolow wax ma isaga eg yihiin?

Howshaas  waallida ah ee laga dhaxlay Kacaan kusheegii Lugooyada waxay socatay ilaa iyo 2000, kolkaas oo walaalaheen Reer Jibouti isku dayeen in aay dib u soo celiyaan xaqii dadweynaha oo mar labaad naloo kala saaro 3da awoodood ee Dowlada Soomaaliya, howshaasi ma ahayn howl fududud, sababta oo ah shacbiga ayaaba qabatimay in hal hay’ad  waa Fulinta oo kaliye ee talada dalka ku amar ku taagleeyso.

Si kastaba ha ahaatee,  laga soo bilaabo 2000 waxa kolba lala soo daala dhacaayay sidii dadka Soomaaliyeed loo fahamsiin lahaa muhiimadda ay leedahay in lakala saaro seddexda awoodood ee dowlada. Inkasta oo aan si sax ah loogu guuleysan in la dhiso seddexda Hay’adood oo si sax ah u shaqaynaaya, hadana waxaa la dhisay oo si fiican u shaqeyneyso Hay’ada Sharci dajinta oo ah hooyada Qaranimada Soomaaliya.

Balse maxaa dhacay? Kooxo ku hoos baaluqay Kacaan kusheegii Oktober ayay la noqatay in ay 50 sano Ka bacdi ay suurta gal tahay in cajalada taariikhda dib loo soo celin karo, in kasta oo la joogo 2018, hadana waxay jecleysteen in aay shacbiga u dhigaan Riwaayadii Oktober 21, 1969 Ka dib markeey isku dayeen in Hay’ada Fulintu (xukuumadda) xoog iyo qoray caaradiis kula wareegto Hay’ada Sharci dajinta (Barlamanka), ayaga oo ka faa-iidaysanaaya aqoonyarida siyaasadeed ee shacbiga Soomaaliyeed ayay dadka qaab riwaayad ah ugu dhigeen in waxa socda yihiin Mooshin Xildhibanada kushubo Ka keeneen Horjoogaha Hay’ada Sharcidajinta.

Sheekadu waa tii 1969 kii uun, xataa lama soo barxin, Oktober 21keedii nimankii Hay’ada Sharci dajinta iyo Garsoorka bililiqeystay waxaay dadweynihii masaakiinta ahaa u sheegeen in ay Qaranka Ka badbaadinayeen wax aay ugu yeeri jirin Dowladii Musuq-maasuqa, ayaga ayaana ahaa Musuq-maasuqa aabihiis, kaba sii darane, ayaga oo og in ay dareenkii Shacbiga bililiqeysteen ayay hadana sheegan jireen Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya.

Haddaba maanta oo ah 50 sano Ka bacdi ayay Hay’adii Fulintu ku soo duushay si bareer ah Hay’adii ayada dhashay (indha adagaa), waa wiil raba in uu dhaxlo aabihiis oo nool.

Waxaa la yaab leh in qaar badan oo ka mida dadka Soomaaliyeed la cabsiin karo beentii 50 sano Ka hor la cabsiiyay, waa in Qaranka laga-badbaadinaayo canaasiir qaran dumis ah. Ilaa iyo hada lama oga ama lama sheegin Hogaamiyaha dhabta ah ee inqilaabkan qarsoon, balse waxaa la xasuustaa in inqilaabkii 1969 kii laga hagaayay Taliskii xooga Dalka Soomaaliyeed ee waagaas (Aviazione), hadana 50 sano Ka bacdi waa taqaaniin halka aay ku taalo Xarunta Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo cida u guurtay oo halkaas ka haygeysa hawsha.

Gebogebadii, Sida caadiga ah ninkii hogaamiya Inqilaab xaalkiisu waa laba uun;  In ku Guuleeysto Ka dibna si toos ah looga takhaluso Hay’ada Sharci-dajinta iyo  Inuu ku fashilmo oo laga takhaluso Hogaamiyaha inqilaabka. Balse suurtagal ma tahay in Hogaamiyaha Inqilaabku uu ku badbaado iskudaygaan khaterta ah ee uu dalka geliey?