MUQDISHO: Ciidamada Imaaraadka Tababaray Iyo Kuwa NISA Oo Dagaal Culus Dhex-maray {FAAHFAAHINTA}

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa iska hor imaad barqadii maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada Imaaraadku tababarray iyo NIS ee xasilinta caasimadda.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay xaafado ka tirsan degmada Hodon, sida Trebuunka, agagaarka Digfeer iyo Warshadda Caanaha, waxaana rasaastu gaartay xaafado kala duwan oo ku dhow aaggaasi.

Wararkii ug danbeeyay ayaa sheegay in ciidamada Imaaraadku tababarray ay isgoyska Trebuunka ka eryeen ciidamadii NISA ee xasilinta oo halkasi ku sugnaa, isla markaana sugi jiray Ammaanka.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo aaggaasi ay la wareegeen ciidamada Imaaraadku tababarray, lama oga sababta keenay iska hor imaadka cusub oo loo adeegsaday Gadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan waloow la sheegay inay ciidamada NISA weerarka soo qaadeen.

Sida ay Shabakada XOGTA.NET u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dagaalamay ee labada dhinac waxay sheegeen inuu dagaalkaan ahaa mid aad u qaraan waxaana dagaalka soo qaaday ciidamada NISA ee Xasilinta la magac-baxay kuwaasoo soo weeraray Ciidanka Imaaraadka ay tababareen ee ku jira xerada Wershadda Caanaha wxaana lagu laayay Ciidan badan oo NISA ah.

Waxay xaqiijiyeen inay dhinteen 7 ciidamada NISA ah iyo Taliyihii Cidanka Imaaraadka Tima jilic waxaana ku dhaawacmay 9 NISA ka tirsan 11 ciidamada Imaaraadka tababara ah.

Rasaasta la is weydaarsaday ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof, ayna ku dhaawacmeen saddex kale, waxaana weli soo baxaya qasaaraha iska hor imaadkan oo aan la ogeyn waxa sababay.

 

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Madaxweyne Farmaajo ka howlgalo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isla markaana uu taagan yahay khilaaf ka dhashay mooshin taageerayaasha xukuumadda ka wadaan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).