Madaxweynihii Hore Ee Faransiiska Oo Loo Heysto Dhaqaale Uu Ka Helay Hogaamiyihii Libya.

PARIS (XOGTA.NET) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa loo xiray su’aalo ay Booliska ka weydiinayaan dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya Col. Muammar Gaddafi, xilligii uu ololihiisa doorashada ku guda jiray sanadkii 2007-dii.

 

Sarkozy ayaa lagu soo eedeeyay inuu lacago ka helay Col. Gaddafi, intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, waxaana tani ay saameyn ku yeelatay xoriyadiisa.

Booliska ayaa u kaxeystay Mr Sarkozy magaalada Nanterre ee duleedka galbeed ee magaalada Paris.

Sarkozy ayaa horay u beeniyay in dhaqaale uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya, xilligii uu Ololaha ku jiray sanadkii 2007-dii.

Sidoo kale Booliska ayaa su’aalo weydiiyay Wasiir hore iyo nin aad ugu dhowaa oo la xiriira arrinta eedeymaha dhaqaalaha uu ka helay Hoggaamiyihii hore ee Libiya.

Si kastaba ha ahaatee, Baaritaanka la xiriira eedeymahan ayaa soo bilowday sanadkii 2013, waxaana xeer ilaaliyeyaasha ku soo eedeynayaan in lacago maalgelin sharci darro ah uu ka helay Col. Gaddafi.