Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Hadlay Dhigiisa Dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Masar C/fataax Al Sisi, sida ay baahisay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taleefan u diray Madaxweyne Sisi, si uu ugu hambalyeeyo guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee dhowaan ka dhacday Masar, isagoo u caddeeyay in dib u doorashadiisa ay gacan weyn ka geysaneyso xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal oo ay ka mid tahay tallaabooyinka wax ku ool ah ee ay qaadday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Masar taageerada joogtada ee dowladdiisa ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedn, waxaana uu intaa raaciyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa dhankiisa adkeeyay in Masar ay gacan ka geysan doonto dadaalada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay ku xasiliso dalka, isagoo soo dhoweeyay guulaha la taaban talo ee ay ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay.

 

Si kastaba ha ahaatee, waa markii labaad oo Madaxweyne Farmaajo khadka taleefanka kula hadlo Madaxweynaha Masar.