Madaxdii Ugu Sareysa Al-Shabaab Oo Inay Qaxaan Bilaabeen {SABABTA AKHRISO}

Horjoogayaasha al-Shabaab
Horjoogayaasha al-Shabaab

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Sida aan ku ogannay xog hoose oo aan helnay, madaxda Al-shabaab ugu sarreysay ayaa ka barakacay deegaanno ay kaga sugnaayeen gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

In deegaannada howtka ah ee Jubbooyinka u barakaceen madaxda ugu sarreysa Al-shabaab sida hoggaamiyahooda Axmed Diiriye, kadib markii uu ku batay weerarada.

Qof lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Howtka ay galeen in ka badan Kun askari Al-shabaab ah iyo sidoo kale madaxdooda, walibana waxay wateen sahaydooda muddo bilooyin ah.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiishan al-Shabaab-ka ah ayaa ka baqaneysa sida la sheegay iney gacanta ku dhigaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo howlgallo culus wada.