Laba Wasiir Oo Isku Casilay Inay U Tartamaan Xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya {AKHRISO MAGACYADOODA}

BIDIX- C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen Iyo Ibraahim Isaaq Yarow
BIDIX- C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen Iyo Ibraahim Isaaq Yarow

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federalka Soomalaiya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)  ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu xukuumadda ka hayey.

Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayuu sheegay C/casiis Lafta Gareen  inuu xilaka isaga casilay, kadib markii uu isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo shardi looga dhigay xildhibaannada wasiirada ah inay marka hore xilalka wasiirnimo banneeyaan.

Wuxuu caddeeyay  inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo isaga tegay xilkii uu ka hayey  xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, isagoo tartan ugu jira xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow  ayaa shaaciyay  inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayay, wuxuuna sheegay inuu isagu doortay is-casilaadaasi markii uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay warqada is-casilaadiisa, isla markaana laga aqbalay, wuxuuna rajo ka muujiyay in loo doorto xilka  Guddoomiyihii Golaha Shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay xubnaha Wasiirada ah ee isku sharaxaya xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya in laga doonaayo inay xilalkooda iska casilaan, waana wasiirkii ugu horeeyay ee tallaabadan ku dhaqaaqa.