KASHIFAAD: Dowladda Imaaraadka Wafdi Qarsoodi Ah U Dirtay Hargeysa.

HARGEYSA (XOGTA.NET) – Wafdi ka socda dowladda Imaaraadka oo la sheegay inuu k koobnaa 12 xubnood ayaa maanta tegay  magaalada Hargeysa, iyagoo kulan la yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wafdigan oo aan saxaafadda loo soo bandhigin, lana shaacin cidda hoggaamineysay, ayaa madaxtooyada Hargeysa waxay shaacisay inay kulankii ay la yeesheen Muuse Biixi laga soo saaray afar qodob oo kala ah:

  1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.
  2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.
  3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.
  4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo”