Itoobiya Oo Yeelatay Ra’iisul-wasaare Muslim Ah.

ADDIS ABABA (XOGTA.NET) – Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa Abiye Ahmed u magacaabay ra’iisal wasaaraha cusub ka dib markii uu is casilay Hailemariam Desalegn bishii hore, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Channel-ka ayaa sheegay 180-xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida Dimuqraadiyada ee Itoobiya (EPRDF) in ay Abiye u doorteen  Guddoomiyaha ururka, taas oo macnaheedu tahay inuu si toos ah u noqday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya,
Jagada loo doortay Abiye Ahmed ayaa u muuqata mid lagu qancinayo Qowmiyada Oromada oo ah mida bulsha ahaan ugu tirada badan Qomiyadaha Itoobiya, sidoo kalana ka soo horjeeda xukunka Tigreega.