Fahad Yaasiin Oo Musharax Gaar Ah U Wata Inuu Noqdo Guddoomiyaha Barlamaanka (WAA KUMA..?)

Saalim Caliyoow Ibroow Iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Saalim Caliyoow Ibroow Iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Fahad Yaasin oo bilaabay in uu soo sharaxo Musharax kale kadib markii uu ku fashilmay lana ogaaday Musharaxiin kale oo u wato.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa soo sharaxay Saalim Caliyoow Ibroow oo aay ilmo habreed yahiin sidoo kalane ah wasiirka korantada iyo Biyaha Xasan Cali Khayre.

Saalim Caliyoow Ibroow waxaa Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin u geeyay suldaan Warsame Caliyoow ibroow oo aay ilmo habreed yahiin Fahad Yaasin Xaaji Daahir oo ah Agaasimaha Madaxtooyada.

Fahad Yaasin ayaa iminka wajahaya Culees baddan isaga oo ka cabsi qaba in Xildhibaanada Mucaraadka ah aay ku fahmaan shaqsiga uu wato isaga oo adeegsanayo shaqiyaad kale si uu isaga dhiga qof aan shaqo ku laheyn.

Fahad Yaasin ayaa horey usoo sharaxay Afar Musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle, ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle jufada , Luwaay sidoo kalane ka tirsan kooxda Alla Sheekh ee xisbiga Madaxweynahii hore Dowladda KMG Sheekh Shariif Halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye oo k atirsan Kooxda Damjadiid balse horey loogu diiday Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta .

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo badanaya Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaasi oo aan qaarkood wadan shaqsiyaad basle doonaya in karitoda iyo Kalsoonida aay ku qabaan Xildhibaanada kale ee aay saaxibada yahiin ku soo baxaan.