Duqa Muqdisho Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Qasnadahooda U Faarujiyeen Mooshinka Jawaari.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle iyo Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa labaduba qaybinaya lacagtii canshuurta wasaaradda maaliyadda iyo gobolka banaadir, iyaga oo u qaybinaya xildhibaanada mooshinka lagu ridayo guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa labaduba fulinaya amarka Ra;iisul Wasaaraha oo ah inay soo qufaan wax kasta oo lacag ah oo ku jira qasnadda dowladda iyo tan gobolka xildhibaanada lagu faraqo si cod looga raadiyo lagu ridiyo guddoomiye Jawaari, waxaana aad loola yaabay in hantidii qaranka shaqsi gaar ah loogu adeegayo.

Canshuurta bixiya si qaranka loo dhiso ayaa isku bedeshay si loo burburiyo dimuqraadiyadda barlamaanka oo ah hay’adda sharci dejinta ee dalka, waana sababta aad loola yaabay in hantidii dalka loogu adeegsanayo si gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Bayle iyo Yariisow ayaa lagula xisaabtami doonaa hantida shacabka ee ay ku tagri faleen, iyada oo mooshinka Jawaari kadib uu miiska saaran yahay mooshinka xukuumadda oo ay cadahay inaysan sinaba uga badbaadi doonin.