Dr. Culusoow “Yaa Ka Dambeeyay Mooshinka Jawaari”.

MUQDISHO – Waxaa nasiib darro ah in waqti lagu luminayo muran aan sal iyo raac ku laheyn ku dhaqanka dastuurka, sharciga iyo xeerka Barlamaanka. Guddoomiyaha Barlamaanka waxaa laga keenay Mooshin lagu eedeynayo xil gudasho la’aan, taaso ah eedeyn culus. Wuxuu ka gaabsaday inuu ka murmuro sharci waafaqsanaanta Mooshinka, si deg deg ahna u taageray meelmarintiisa hab waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka Barlamaanka oo ka madaxbannaan Xukuumadda iyo Garsoorka. Waxaa la caddeyay inay jiraan caqabado/ isbaarooyin nabadgelyo iyo awood maroorsi ee xukuumadda iyo guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Barlamaanka lagu eedeynayo, lana codsaday in la joojiyo ama la qaado.

Ra’iisul Wasaarayaashii kala ahaa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Cabdiweli Sheikh Axmed waxay jideeyeen waddo sax ah oo lagu xalliyo Khilaafaadka siyaasadeed sida Mooshinnada kalsooni kala noqoshada kaddib markii ay diideen inay is-casilaan, kuna adkeysteen in Barlamaanka ka doodo, codna loo qaado, taaso muraayad u ah heerka xikasnimada, hufnaanta, iyo daacadnimada xildhibannada barlamaanka Soomaaliyeed loo doortay inay matalaan danaha Shacabka Soomaaliyeed.

Madaama 107 xildhibaan oo Mooshinka soo gudbisay sheeganayaan inaysan gardarro, daneysi, iyo mu’aamarad isku raacin, isla markaa guddoomiyaha barlamaanka Jawaari oggolaaday meelmarinta Mooshinka, waxaa lagama maarmaan in Guddoonka Barlamaanka, Habdhawrka Barlamaanka, Guddiga Joogtada ah, iyo Xoghayaha Guud ee Barlamaanka deg deg u soo bandhigaan ka doodidda iyo cod u qaadidda Mooshinka ka hor waqtiga Xeerka Barlamaanka dhigayo oo ah 28/03/2018. Xalka labaad wuxuu noqon karaa in 107 xildhibaan ka noqdaan Mooshinka ka hor inta aan ka horgeyn Barlamaanka si qoraal ah oo sharciga waafaqsan.

Iscasilaadda Guddoomiyaha ama heshiis xeer jabab ah waxay dhirrigeliyaan ku tumashada Sharciga iyo dhaqan xumo iyo fawdo siyaasadeed oo caado noqota.

Dr Maxamuud M. Culusow
mohamuduluso@gmail.com