Dowlada Soomaaliya Oo Dacwad Ka Dhan Ah Imaaraadka U Gudbisay Golaha Ammaanka QM.

MUQDISHO (XOGTA.NET) -Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa ashtako ka dhan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo sheegay in Imaaraadka Carabta ay ku xadgudubtay qaranimada dalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle oo qudbad u jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay golaha ammaanka iyo madaxweynaha cusub ee golaha ammaanka.

Qudbadiisa oo ka koobneyd saddex bog ayaa waxaa uu ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay waxa uu ku eedeeyay dowlada Imaaraadka Carabta heshiiska ay shirkada DP World la gashay maamulka la magac baxay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxana ay qaadi doonto wax walba oo ay ku ilaalin karto qaranimadeeda iyo jiritaankeeda.”ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Qudbadiisa ayuu sidoo kale danijre Abuukar Daahir Cismaan ku sheegay in heshiiska ay Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland ay wadagaleen labo sano kahor taasoo ah in dowlada Imaaraadka Carabta ay saldhig Milatari ka sameysato magaalada Berbera uu xadgudub ku yahay cunoqabataynta saaran dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu u mahadceliyay qaramada midoobay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka Soomaaliya uu horumar ugu tallaabsan lahaa.

Halkan hoose ka Akhriso qudbada danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.