Dowlada Kenya Oo Nairobi Ka Joojisay Kulan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Uu Jaaliyadda Soomaalida La Lahaa (SABABTA AKHRISO)

NAIROBI (XOGTA.NET) – Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ciidamada amniga Kenya ay joojiyeen kulan maanta duhurnimadii ka dhici lahaa magaalada Nairobi oo la sheegay in lagu soo dhoweynayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Kulanka oo ahaa Qado loogu yeeray  dad fara badan ayaa loo diyaariyay inuu ka dhaco Xarunta Sayid Cali Club ee xaafadda Islii, magaalada Nairobi, waxaana lagu casuumay boqolaal dad ah oo kulankaasi ka qeybgeli lahaa intii aan la kansalin.

Arrintan ayaa salka ku heysa go’aan dowladda Kenya ka qaadatay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, iyadoo uu arrintaasi hormuud u yahay guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Si kastaba ha ahaatee, C/raxmaan C/shakuur oo ka mida  mucaaradka ugu waaweyn dowladda Farmaajo ayaa hore ciidamada NISA uga joojiyeen muxaarado siyaasadeed oo uu ka dhigi lahaa Hotelka Saxafi ee Muqdisho.