DFS Oo Indhaha Ka Qabsaneysa Dhibaatooyinka Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Tanzania Uu Ku Hayo Safiirkeeda {XOG}

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania Maxamed Xasan Cabdi
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania Maxamed Xasan Cabdi

DAR ES SALAAM (XOGTA.NET) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dhaqan dalka Tanzania ayaa dhibaato xoogan ka sheeganaya Safiirka Soomaaliya u magacowday dalkaasi kaasoo Xad-gudubyo ka baxsan Bani’aadnimada kula dhaqma Dadka Soomaalida ah.

Safiirk Maxamed Xasan Cabdi oo in muddo ah ka howl-gala Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Tanzania ayaa Lacago baad ah ka qaata Soomaalida isla markaana Booliiska dalkaasi u tilmaamada Soomaalida uu is leeyahay Dhaqaale buuran ayay haystaan ee Ganacsiyada ku leh dalkaasi kuwaasoo Kiisas aan jirin ku xirxira kadibna soo deyntooda uu Lacago badan ugu qaato Soomaalida iyagoo ay arrimahaasi kala shaqeeyaan Muqalasiin ay Ehele yihiin Safiirka kuna gaamuray dalkaasi Tanzania oo wax badan soo joogay kuwaasoo si hoose usoo indha-dheeya Ganacsatada Soomaalida kadibna usoo gudbiya Safiirka oo isagan u gudbiya Booliska qaar kamid ah oo isla shaqeystaan.

Safiirkaan oo kasoo jeeda deegaanada Waqooyiga Soomaaliya “Somaliland” ayaa si ula kac ah waxuu u beegsadaa Ganacsatada Koonfurta Soomaaliya ka yimaada ee Mehradaha ku leh dalkaasi Tanzania.

Qaar kamid ah Odoyaasha Jaaliyadda ka tirsan ayaa Dacwad ugu tagay Safiirka Toddobaadkii laso dhaafay waloow uu Safiirka ugu hanjabay inuu xir-xiri doono Odoyaasha kana diiqay Baaqii ay wateen oo ahaa inuu ka daayo Tacadiyada uu Soomaalida ku hayo, waxuuna taasi badalkeeda ugu badalay Hanjabaad xoogan oo Odoyaasha ugu caga-jugleeyay inuu guud ahaan dalka Tanzania ka Masaafurin doono hadii ay howlihiisa soo galaan taasoo ku qasabtay Odoyaasha inay isaga soo cararaan xarunta Safaaradda oo ay kula kulmeen Safiirka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Tanzania ku dhaqan ayaa si wada-jir ah waxay cabasho ku saabsan Tacadiyada uu ku hayo Safiir Maxamed Xasan Cabdi u gudbiyeen Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda xiligii Yuusuf Garaad uu Wasiirka ka ahaa waloow iyadoo aan loo soo jawaabin xilka laga qaaday Wasiir Yuusuf Garaad laguna badalay Wasiir Axmed Cawad oo aan ilaa hadda la socon dhibaatada Soomaalida dalkaasi ugu geysanayo Safiirka Dowlada Soomaaliya u magacowday dalkaasi.

dalka Tanzania oo ah dal Ganacsi badan ay Soomaalida ku leedahay isla markaana Soomaali badan ay ku dhaqan yihiin ayaa maalinba maalinta ka dmabeysa waxaa isa soo taraya Dacwadaha ka dhanka ah Safiir Maxamed Xasan Cali kaasoo Shacabka Soomaliyeed u handada isla markaana aan laheyn wax Naxariis ah toona, waxayna wali dhagaha ka fareysanaa Wasaaradda arrimaha dibadda Iyo Madaxda sarre ee dalka Soomaaliya Baaqa Soomaalida Tanzania oo ah in laga badalo Safiirkaan oo ah nin aan u qalmin xilka uu hayo waloow aysan wax Jawaab ka bixin.

AKHRISO: Heshiishkii Dan Qaran Ee Jawaari Diiday Inuu Saxiixo Ayna Wateen RW Kheyre Iyo Xulafadiisa.

Soomaaliya 70% Musuq-maasuq ayaa ka jira Safaaraddaheena waloow ay kaalita koowaad ee dhanka Musuq-maasuqa gashay Safaarada aan ku leenahay Tanzania u ka jiro isla markaana nin walba oo Safir ah uu kursiga fadhiisiyay nin ay Ehele yihiin, waxuuna Safiirkaan isku halaynayaa Wasiir ku-xgeenka arrimaha dibadda Soomaaliya kaasoo dhowr jeer oo hore difaacay.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Soomaaliya ee hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa laga war-sugayaa talaabada ay ka qaado Safiirkeeda Tanzania u fadhiya Maxamed Xasan Cabdi oo Tacadiyo ka baxsan Bani’aadnimada u geysanaya Soomaalida dalkaasi ku dhaqan isagoo u beegsanaya Beelaha ay kasoo kala jeedaan halkii ay aheyd inuu Habeen iyo Maalin u istaago u adeegida Shacabkiisa dalkaasi ku dhaqan balse uu ka sameeyo Lacago xad-dhaaf ah isagoo kula shirakoobay arrimahaasi qaar ka tirsan Booliska dalkaasi oo ay isla cunaan Lagaha baada loogu qaado Ganacsatada Soomaalida ah.