CCC Sharmaarke Oo Soo Jeediyay Tallo Lagu Dhamaynayo Khilaafka Jawaari Iyo Kheyre.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira xildhibaanada baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ku taliyay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo, isla markaana la joojiyo mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

 

Cumar Cabdirashid oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOAa ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo soo dhex gelida khilaafka baarlamaanka iyo dib u dhigga uu ku sameeyay kulankii lagu waday in uu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in khilaaf sidan oo kale ah hore u soo dhex galay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo mooshin laga keenay balse dib loo celiyay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan iyo Madaxweynihii iyo ra’iisal Wasaarihii xilligaas Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ay wadahadal ku xaliyeen.

“Waxaan rajeynayaa in xal siyaasadeed oo waara laga gaaro khilaafka xukuumada iyo baarlamaankana ay ka fogaadaan buuqa iyo isqabqabsiga.”ayuu ku taliyay Cumar Cabdirashiid oo ku sugan wadanka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Hase yeeshee Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in haddii xal siyaasadeed ay suurtogal noqon weydo in mooshinka uu noqdo mid cad oo si cadaalad ah loogu codeeyo.

Inkastoo uu Madaxweyne Farmaajo uu codsaday in dib loo dhigo kulamada Baarlamaanka ayaan illaa iyo haatan la ogeyn sida lagu xalin doono khilaafka ka dhex jira xildhibaanada baarlamaanka Federalka oo haatan labo dhinac u kala qeybsan.