Cabdinuur Maxamed Axmed Dhaqan Xumadiisa Mala Ogyihiin Farmaajo Iyo Kheyre?

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Agaasimaha Warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo Seedi hore u ahaa Agaasimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin balse ay kala tageen Gabadhadii Fahad la dhalatay oo uu qabay ayaa maalmahaan dambe u bareeray Caayda Masuuliyiinta Soomaaliyeed isagoo adeegsanaya Warbaahin uu Lacago u qeybiyo Bil walba.

Cabdinuur Maxamed Axmed waxuu xiligii Ololaha Doorashadda lasoo shaqeeyay Madaxweyne Farmaajo kadibna markuu Farmaajo guuleystay waxaa loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya isagoo shaqadiisa oo dhan ka dhigay sidii uu Lacago BAAD ah ugu qeybin lahaa Warbaahinta kala duwan sida TV-yada Soomaalida, Idaacadaha iyo Website-yada isla markaana ugu adeegsan lahaa dacaayadeynta iyo ka been sheegida Xubnaha Mucaaradka ku ah Dowlada Farmaajo uu hogaamiyo iyo Masuuliyiinta Dowlada ku jira oo aysan la qanacsaneen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa la tilmaamaa inuu yahay nin aad u fudud iskuna sheega inuu yahay SHARIIFKA DUULA oo OWLIYO ah sida uu Saaxiibadiisa u sheega taasoo shaki weyn ay Saaxiibadiisa ka muujiyeen xaaladiisa Caafimaad isla markaana XILKA loo magacaabay uu si weyn ugu qanacsan yahay una maleeyo inuu inuu Wasiir Warfaafineed ka yahay Dowlada Soomaaliya.

Agaasime Cabdinuur ayaa Madaxweyne Farmaajo usoo jeediyay in Lacago loo qoro oo bil walba la siiyo Warbaahinta Soomaalida si aysan u baahin WARARKA Mucaaradka Dowlada ee lagu dhaliilayo Farmaajo iyo Team-kiisa oo Dowladnimada ku cusub tahay isla markaana god weyn oo mugdi ah kusii hogaaminaya Qaranimada Soomaaliyeed.

Cabdinuur waxuu Wiilasha iyo Gabdhaha Facebook-ga ka qeyliya bil walba u diraa Lacag dhan $500 Dollar sida ay hore u sheegtay Wariye Aamina Muuse Wehliye oo uu damcay inuu soo xera galiyo oo uu Lacagtaasi siiyo si uu ugu adeegsado Caayda Mucaaradka Dowlada Soomaaliya balse ka diiday, waxuu sidoo kale Lacago siiyaa TV-yada Afka Soomaaliga ku hadla oo dhan, Idaacadaha Muqdisho ka howl-gala, Idaacadaha BBC iyo VOA oo qaar kamid ah Wariyaasheeda Lacago u diro bil walba iyo Website-yada Soomaalida oo sidoo kale in ka badan 15 Website uu Bil walba u diro Lacag aad u xad-dhaaf ah oo qiyaas ahaan la sheegay in Villa Soomaaliya Warbaahinta ku siiso Lacag dan $80.000  taasoo ah Canshuurta Shacabka Soomaaliyeed laga qaado oo Xayaysiiska Madaxda Dowlada iyo Caburinta Mucaaradka loo adeegsado.

Agaasime Cabdinuur ayaa sameystay Caruur aad u yar-yar oo uu ku shaqeysto kuwaasoo badankood kamid ahaa Ololihii Madaxweyne Farmaajo una adeegsado Warbaahinta gudaha Muqdisho ka howl-gasha, waxuuna Villa Soomaaliya kusoo kordhiyay arrimahaan.

  1. Mudo kadib, waaxda Warfaafinta ee Villa Somalia waxaa ay yeelatay Caruur yar-yar oo ka shaqeeya kuwaasoo qora Warbixino lagu dacaayadeynayo Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka kaso qabtay Dowladihii hor iyo kuwa Dowladaan Farmaajo xilka ku haya balse ay dhaliilsan yihiin Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaana lagula xiriira Warbaahinta WhatsApp Group oo Qoraal isku mid ah loogu wada diro taasoo ay wada baahiyaan kuwa Lacagaha Baada ah Villa Soomaaliya bil-walba ay siiyo ee Social Media-yaha iyo Website-yada wax ku qora iyadoo sidoo kale TV-yada loo diro Video-yo lasoo habeeyay oo Madaxda Dowlada ku saabsan laguna faaninayo iyadoo aan waxba qaban balse Shacabka Soomaaliyeed lagu indho-sarcaadinayo.
  2. Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya ee hore Seediga u ahaa Fahad Yaasiin waxuu Magaacabay agaasime u gaar ah inuu la macaamilo Saxaafada madaxbanaan, wuxuu casuumaa Bil walba Hogaanka warbaahinta xorta ah kuwaasoo la faro Awaamiir ku saabsan caburinta Siyaasiyiinta diidan hab-dhaqanka foosha xun ee Farmaajo iyo Team-kiisa ku shaqeeyaan.
  3. Waxaa si weyn Villa Soomaaliya loogu bahdilaa Warbaahinta marka ay doonayaan inay Madaxtooyadda tagaan Wariyaasha ee loogu yeero taasoo tacadiyo baahsan kala kulma Wiilasha yar-yar ee Cabdinuur kala shaqeeya Xafiiska Warbaahinta.
  4. Agaasime Cabdinuur waxuu Xafiiska Warfaafinta ee Villa Soomaaliya kusoo aruuriyay Wiilal aan Aqoon Saxaafadeed laheyn kuwaasoo laheyn ah Fahad Yaasiin, Farmaajo iyo Kheyre, kuwaasoo Safarada Farmaajo iyo Madaxda Dowlada la raaciyo isla markaana kasoo duuba Muuqaalada iyo Codadka kadibna marka ay soo jar-jaraan usoo dira Warbaahinta kale taasoo ah mid ka baxsan Shaqada Warbaahinta Madaxa Banaan.
  5. Agaasime Cabdinuur iyo Team-kiisa waxay caburin iyo caga-jugleyn u geystaan Wariyaasha Muqdisho ka howl-gala ee diida Awaamiirtooda kuwaasoo ay u adeegsadaan ciidamada Dowlada Soomaaliya taasoo keentay in Saxafiyiin badan isaga barakacaan Muqdisho kadib markii ay u adkeysan waayeen caburinta lagu hayo.
  6. Waaxda Warfaafinta ee Villa Somalia waxay ku guuleysatay iney xakameyso xogaha iyo muuqaalada aan loogu talo galin iney baxaan, nuuca sawirada iyo muuqaalada ee laga soo gudbiyo madaxweynaha ayaa noqday kuwo aan dhaliil laheyn, saxaafada online-ka ayaa sidoo kale muddo badan ku qaadata sidee u heli lahaayeen qoraaladda kasoo baxa xafiiska Madaxweynaha.

Bahda Saxaafada ayaa inta badan aaminsan inuu jiro is badal weyn oo xafiiskan ku yimid tan iyo bishii March ee sanadkii hore markii Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu indhaha ka qarsanaayo dhibaatada uu Cabdinuur ku hayo Saxaafadda qeybaheeda kala duwan ka sokoow Lacagaha Lalauushka ah uu siiyo Warbaahinta taasoo ka baxsan Anshaxa iyo Hab-dhaqanka Warbaahinta Madaxa Banaan oo Villa Soomaaliya afduub dadban ku haysato.

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xilkaan ku helay maadaama uu qabay Gabar la dhalatay Fahad Yaasiin oo ku magacaaban Agaasimaha Villa Soomaaliya balse ah Madaxweynaha dadban ee Soomaaliya maamula waloow Gabadhaasi ay kala tageen Cabdinuur kadib markii ay in badan Gaajo ugu adkeysaneysay kadibna markuu Shaqada Villa Soomaaliya helay uu guursaday Gabar reer Garoowe ah oo ay Ehel yihiin Cameraman-ka Madaxweynaha Wiilka lagu magacaabo Cali Ducaale oo is baray taasoo Haweeneey aad ugu da’a weyn Caruur horena leh waloow isaga ay dhawaan u dhashay Gabar, waxaana arrintaasi oo la qarin jiray maqashay Xaaskiisa oo Kuala Lampur Malaysia degneed oo ay Ehel yihiin Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo hadda uu keenay iyada iyo Caruurteeda magaalada Muqdisho una soo balan-qaaday inuu furayo Haweeneyda reer Garoowe waloow uusan ilaa hadda arrintaasi uusan u rumeyn oo uu meer-meerinayo Xaaskiisa Malaysia ka timid.