Axmed Madoobe Oo Ku Fashilmay Qorshe Uu Ku Xalin Lahaa Khilaafka Kheyre Iyo Jawaari {YAA DIIDAY..?}

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

KISMAAYO (XOGTA.NET) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe aya ku fashilmay isku day weyn oo uu ku doonayey inuu ku xalliyo khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaliya iyo Xukuumadda Federaalka, gaar ahaan Jawaari iyo Kheyre.

Ilo ku dhow Axmed Madoobe ayaa inoo xaqiijiyey si gar ah uu mas’uulkaan ula hadlay Jawaari iyo Kheyre, hase ahaatee ay Labaduba diideen wadahadalka, haba ugu darnaadee Ra’iisul wasaaraha.

Madoobe ayaa hadda gacanta ka taagtay waxa socda, markii uu isku dayey in si nabadoon ahaan u dhexgalo madaxdan, balse isaga si gaar ah wuxuu u taageersan yahay Jawaari oo uu u arkay in lagu soo gardarrooday.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka dhaxeeya Gudoomiye Jawaari iyo Xasan Kheyre ayaa meeshii ugu xoogganeyd ebed gaaray, waxaana socota walwal iyo khalalaase Siyaasadeed.