Aqalka Sarre Ee Barlamaanka JFS Oo U Yeeray Afar Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Kheyre {SABABTA AKHRISO}

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray inay Golahaasi hor yimaadaan Afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa warbixin ka jeediyey Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo sheegay in xaaladda Gobolka Gedo ee xuduudka la leh Kenya ay ka jirto dhibaato weyn oo ku saabsan xadgudub ay Kenya ka wado dhulka xuduudka ah.

Wuxuu warbixin dheer ka siiyay Golaha dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee degmada Beledxaawo iyo kulan dhex maray maamulka Mandheera iyo maamulka Gobolka Gedo, kadin markii muran ka dhashay Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka uu keenay in la xiro xuduudka.

AKHRISO: Heshiishkii Dan Qaran Ee Jawaari Diiday Inuu Saxiixo Ayna Wateen RW Kheyre Iyo Xulafadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirada Aqalka Sare u yeeray si wax looga weydiiyo xaaladda ka taagan Gobolka Gedo iyo xadgudubka dowladda Kenya ayaa kala ah:

  1. Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheek
  2. Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow
  3. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Aden Sabriye
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.