AKHRISO: Heshiishkii Dan Qaran Ee Jawaari Diiday Inuu Saxiixo Ayna Wateen RW Kheyre Iyo Xulafadiisa.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Shabakadda XOGTA.NET ayaa heshay Qoraal ku saabsan Heshiishkii loogu magac daran DAN QARAN oo ay wateen RW Kheyre iyo Xulafadiisa ayna rabeen inuu Saxiixo Guddoomiye Jawaari balse uu ka diiday taasoo ka dhalatay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Heshiishkaan oo Qodobobo badan ka kooban ayaa Nuxurkiisa yahay sidii Hay’ada Sharci Dajinta “Barlamaanka” usoo hoos-gali laheyd gacanta Xukuumadda isla markaana Lacag Laaluush ah lagu siin lahaa BIL walba Guddoomiye Jawaari isagana laga doonayo inuu hor-istaago wax kasta oo Xildhibaanada ka keeni karaan Xukuumadda ilaa Madaxweynaha dalka.

DFS Oo Indhaha Ka Qabsaneysa Dhibaatooyinka Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Tanzania Uu Ku Hayo Safiirkeeda {XOG}

Heshiishkaan oo aan la ogoleyn in la baahiyo ayaa Shabakada XOGTA MEDIA heshay Nuqul kamid ah iyadoo illo ku dhow-dho Guddoomiyaha Barlamaanka noo xaqiijiyeen inuu Heshiishkaan yahay kan uu ka bilowday dagaalka u dhaxeeya Jawaari iyo Kheyre uuna iska diiday Guddoomiye Jawaari inuu Saxiixo.

HALKAAN KA KA AKHRISO