Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Oo Kenya Iyo Itoobiya Ku Taageerayo Dagaalka Al-Shabaab {SAWIRRO}

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson

ADDIS ABABA (XOGTA.NET) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson oo booqashadii ugu horeysay ku maraya dalalka geeks Afrika, gaar ahaan Itoobiya oo uu ku sugan yahay iyo Kenya oo maanta laga sugaayo iyadoo booqashadiisa tahay ujeedo badan.

Booqashada Rex Tillerson ee Afrika ayaa ugu weyn inuu kala hadlo madaxda dalalka uu booqanaayo iskaashiga dhaqaale ee Shiinaha oo Afrika kusii fidaayo in Mareykanka uu saluugsan yahay iyo in la xoojiyo xiriirka Mareykanka iyo Afrika.

Rex Tillerson oo booqashada lugta koowaad ku tegay Addis Ababa ayaa waxaa uu dowladda Itoobiya ku dhaliilay qaabka ay u maareyneyso qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaasi iyo xukunka deg deg ah ee lagu soo rogay taasoo uu sheegay in aysan noqon doonin xal xaalada wax ka badasha.

Wuxuu kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha xilka iska casilay Hailemariam Desalegn oo uu kala hadlay arrimaha Itoobiya iyo Somalia, gaar ahaan kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo sidii la isaga kaashan lahaa ciribtirkooda.

Dhanka kale, lugta labaad ee Rex Tillerson ayaa noqon doonta magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmi doonaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana la sheegay in socdaalka Kenya ay arrimaha ugu muhiimsan ee safarkiisa inay tahay arrimaha la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu magaalada Addis Ababa kula kulmay guddoomiyaha midowga Afrika Moussa Faki, waxayna isla soo qaadeen sidii loo abuuri lahaa xiriir tayeysan oo Afrika iyo Mareykanka dhex mara oo taariikhda qorto.

Wax faah faahin ah lagama bixin safarka Kenya ee Rex Tillerson oo intaas dhaafsan, hase ahaatee wakaalada wararka Reuters ayaa daabacday in Kenya uu kala hadli doono la dagaalanka Al-Shabaab oo gudaha Kenya xita ay ka geystaan falal argagixiso.

Ugu dambeyn, Rex Tillerson ayaa safarkiisa Afrika kusoo afjari doonaa dalalka Chad iyo Nigeria oo uu kala hadli doonaan xoojinta xiriirka kala dhaxeeya iyo sidii iskaashi u yeelan lahaayeen.