XOG: Waa Kuma Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Batroolka Soomaaliya..?

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – Madaxweynaha JFS aya u magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Batroolka Karar Doomey oo ka mid aha howl-wadeenada SOMA-OIL una shaqeyn jiray RW Xasan Cali Kheyre.

Magacaabiddan ayaa badisay shaki badan oo laga qabay inuu weli jiro xiriir hoose oo ka dhexeeya RW Kheyre iyo shirkadda SOMA-OIL oo uu ka tirsana inta aanan loo magacaabin RW JFS bishii Feb 23, 2017.

Si kastaba ha ahaatee, Karar ayaa ka soo jeeda beesha uu ka dhashay Madaxweyne Farmaajo sida aan xogta ku helnay waxa uuna hadda ka mid yahay Shaqaalaha shirkad Shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Norway.