XOG: RW Kheyre Oo Isku Shaadheyn Ku Sameynaya Xukuumadiisa Iyo Wasiiro Culus Uu Eryi Doono {MAGACYADA IYO BEELAHOODA}

WASIIRADA IYO SARAAKIISHA LA BADALI DOONO
WASIIRADA IYO SARAAKIISHA LA BADALI DOONO

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Toddobaadkaan sameynaya Isku-shaadheyn Golaha Wasiiradda Xukuumadiisa.

RW Kheyre waxuu Eryi doonaa Wasiiro Xilal culus ka hayay Xukuumadiisa kuwaasoo uu ku badali doono Wasiiro cusub oo u badan Qurba Joog looga yeeray Dibaddaha oo xiligaan qaarkoodba soo gaareen Muqdisho iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Golaha Wasiiradda kamid noqon doona.

Shabakadda XOGTA MEDIA ayaa ogaatay inuu RW Kheyre magacaabi doono 7 Wasiir, 9 Wasiiru-dowle iyo Wasiir Ku-xigeeno, Guddoomiyaha Bank-ga Dhexe iyo  Taliyaasha Militariga iyo Nabadsugida NISA.

Sida XOGTA aan ku heleyno Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Mareykanka ugu yeeray nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi oo kasoo jeeda Beesha Waceysle/Abgaal kaasoo loo magacaabi doono Guddoomiyaha Bank-ga Dhexe iyadoo la Eryi doono Guddoomiyaha xiligaan ku magacaaban Bank-ga Dhexe Bashiir Cali Ciise.

DAAWO: Warbixinta Nolosha Qalbi Dhagax Kadib Kulankii Axmed Madoobe Uu La Yeeshay.

Shabakadda XOGTA MEDIA ayaa heshay Liiska Wasiiradda la Eryi doono iyo kuwa lagu badali doono qaarkood waxaana kamid ah:

  1. Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxuu kasoo jeeda Beesha Harti Abgaal/Hawiye.
  2. Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sarre Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, waxuu kasoo jeeda Beesha Xawaadle/Abgaal.
  3. Wasiiradda Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur, oo beesha Gaaljecel/Hawiye kasoo jeeda waxaana lagu badali doonaa Cabdiraxmaan Koronto oo kamid ahaa Wariyaasha BBC-da oo ay isku Beel yihiin balse Koronto ayaa loo wadaa Wasaaradda Warfaafinta.
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, waxuu kasoo jeedaa Beesha Majeereen/Daarood, waxaana lagu badali rabaa La-taliyaha arrimaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali oo ay isku beel yihiin isla markaana Saaxiibo yihiin Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre oo arrimo badan ka dhaxeeyaan.
  5. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arimaha Federaalka Injineer Cabdi Maxamed Sabriye, waxuu kasoo jeedaa Beesha Ceyr/Hawiye, waxaana xilkaan loo magacaabay markii la weeraray guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur beel hoose yihiin si Beesha Ceyr ee loogu sasabo maadaama Wiilashii Ilaalada u ahaa C/raxmaan C/Shakuur la laayay si uu Beesha ugu dhaadhiciyo inay is dajiyaan waana nin ay aad isku diidan yihiin Siyaasad ahaan RW Kheyre oo ah nin aan ogoleen inuu Madaxiisa hoosta geeyo oo aad isugu Kalsoon ahna Ganacsade Dhaqaale xoogan heysta oo Shirkaddo badan ku leh saami xoogan, ilaa haddana lama oga qofka lagu badalayo waxaana la saadaalinayaa in lagu badali doono Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waloow aan la hubin inuu Mahad ogolaanayo Xilkaasi.
  6. Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo kasoo jeeda Beesaha Leelkase/Daarood waxaa la xaqiijiyay in lagu badali doono Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo ay isku Beel yihiin waxaana howshiisa wada Agaasime ku-xigeenka Villa Soomaaliya Cabdirisaaq Shoole.
  7. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo kasoo jeeda beesha Samaroon/Dir waxaa lagu badali rabaa oo xilkaan Wasaaradda Maaliyadda loo magacaabayaa Maxamed Xaaji Cabdinuur oo Dowladii Xasan Sheekh soo noqday Wasiirka Caafimaadka dhanka Hooyadana kala dhashay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mooshin Ka Dhan Ah Yariisoow Oo Xildhibaano Badan Diyaarinayaan {MAXAA LAGU HAYSTAA..?}


Sidoo kale, Shabakada Xogta Media ayaa heshay in la magacaabi rabo 9 Masuul oo Wasiiru-Dowle iyo Wasiir Ku-xigeeno loo magacaabayo kuwaasoo u badan Xildhibaano olole ugu jiray ridistii Guddoomiye Jawaari iyo codeyntii Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ilaa haddana waxaan helnay in Wasiir ku-xigeenada la magacabi rabo ay kamid yihiin:

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo Wasiir Ku-xigeen loo magacaabayo waxuuna heshiish la galay RW Kheyre oo magaalada Abu Dubai kusoo heshiiyeen isla markaana maalmihii ugu dambeeyay si weyn ugu dhex-muuqday Xafiiska RW Kheyre waxuuna kasoo jeeda Beesha Ogaadeen ee Daarood.
  2. Cabdikariim Buux oo hadda ah Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya oo isagana loo magacaabi doono Wasiir ku-xigeen isla markaana kamid ahaa heshiishkii Jawaari lala galay oo uu Jawaari codsaday in xilkaasi loo magacaabo maadaama Saaxiibo dhow yihiin waxuuna kasoo jeeda beesha Gari Koobe ee Daarood.

Sidoo kale, waxuu RW Kheyre xilka ka qaadi doonaa Taliyaha Militariga Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) oo maalmihii ugu dambeeyay shaqadiisa ay dhaliilo xoogan u hayeen Farmaajo iyo Kheyre kadib bixitaankii Dowlada Imaaraadka, sidoo kale waxaa xilka laga qaadi doonaa Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan ‘XUSEEN UUR-KUUS’ oo bishii February ee sannadkaan xilkaasi loo magacaabay kaasoo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuna magacownaa inta Xilkaan loo magacaabin Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumadda RW Kheyre balse xiligaan waxaa ku dhacday laba daran mid-dooro isagoo durba waayay xilkii Xildhibaanimo oo Dastuurka uu sheegayo hadii Xildhibaan loo magacaabo Taliye inuu weynaayo Xilkiisa Xildhibaanimo isagoo noqo doonta inuu olole u galo inuu Xildhibaanimada soo celiyo sidii ku dhacday Taliyihii ka horeeyay Sanbaloolshe balse Dowlada kula dagaashay inuusan helin oo ay soo saartay Xildhibaan kale oo u Daacad ah Dowlada uu Farmaajo hogaamiyo kana soo jeeda Beesha Sanbaloolshe.


Wasiir Maareeye Oo Tahriibayaal Ku Dhow 30 Qof Ku Geeyay Turkiga Magaca Ganacsato {KASHIFAAD}


Sidoo kale, waxaa lusha oo Lug kaliya ku taagan Guddooomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisoow oo maalmihii ugu dambeeyay Siyaasadiisa ay Villa Soomaaliya diidan tahay gaar ahaan Farmaajo iyo Saaxiibadiisa balse ay olole ugu jiraan inuu sii joogo RW Kheyre iyo Xildhibaano isku beel yihin oo u arka nin fulin kara danahooda oo iyaga ahaayeen Fikirkii ka dambeeyay in Injineer Yariisoow xilkaan loo magacaabo balse Villa Soomaaliya ayaa Media-yaha u adeegsanaysa inay Dul-duleelada maamulka gobalka Banaadir soo bandhigto si loogu helo marmarsiyo XILKA loogu qaado.

Si kastaba ha ahaatee, Shabakada Xogta Media ayaa raadineysa Magacyada Wasiiradda, Wasiiru-dowlayaasha, Wasiir ku-xigeenada iyo Taliyaasha cusub qaarkood oo wali aan helin ee cusub ee Xilalka laga qaadi doono kuwa aan ka kor kusoo sheegnay lagu badali doono, inagoo Saacadaha soo socda idiin soo gudbin doona Magacyadooda iyo Beelaha ay kasoo jeedaan.