XOG: RW Kheyre Oo Albaabada Ka Xirtay Xildhibaano Uu Ka Dan Gaaray “WAA KUWEE..?”

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in albaabada uu ka xirtay Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Cadaadisna ku saaray in uu is casilo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari .

Sida aan Wararka ku heleyno Xasan Cali Kheyre ayaa balan qaadyo kala duwan oo isugu jiray Mid dhaqaale, Xilal iyo kuwa kale oo badan u sameeyay Xildhibaanadii gadaal ka riixayay mooshinkii Jawaari meesha looga saaray.

Markii uu is casilay Jawaari sidoo kale Gudoomiye cusub loo doortay golaha Shacabka ayaa la sheegay in Ra’isul Wasaare Kheyre albaabada ka xirtay Xildhibaanadii uu balan qaadka tirada badan u sameeyay .

Xildhibaanada qaar ayaa loo sameeyay balan qaadyo ku aadan in Wasiiro laga dhigayo, waxaa sidoo kale Xildhibaano kale loo balan qaaday in dad ay wataan laga dhigayo Safiiro, Agaasimayaal Guud iyo Gudoomiyaal degmo.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay markii uu ogaaday in uusan fulin karin balan qaadyadii uu sameeyay ayuu go’aansaday in uu albaabada ka xirto inta badan Xildhibaanadii uu balanta u sameeyay si uusan wajiyadooda u arkin.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo gurigiisa ayaa lagu sameeyay isbadal weyn, waxaana aad loo adkeeyay in Ra’isul Wasaaraha uu arko ama la kulmo qof uusan isagu dalban, waxaana gabi ahaan la xiray goobo horey loogu arki jiray Ra’isul Wasaaraha.

Xildhibaanada iyo dadka kale ee balanta la leh Ra’isul Wasaaraha ayaa markii hore ku arki jiray wadooyinka gala xafiiska iyo Gurigiisa balse hada waa la xiray gabi ahaan , waxaana ilaalada lagu amray in aysan soo deyn karin qof aan lagu soo wargalin.

Waxaa marar badan Xafiiska R/Wasaaraha iyaga oo careesan kasoo laabtay Xildhibaano badan oo horey loogu sameeyay balan qaadyo kala duwan, waxaana Xildhibaanadaasi qaarkood lagu bahdilay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha sida aan wararka ku helnay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmihii mooshinku taagnaa Xildhibaanada telfoono u diri jiray kana qaban jiray kuwa soo waca ayaa hada bilaabay in uusan ka qaban telfoonka Xildhibaanada sidoo kale uusan uga jawaanin farimaha ay soo diraan.

Waxaa laga cabsi qabaa Xildhibaanadan la xumeeyay loogana baxay balan qaadyadii loo sameeyay in ay ku biiraan Xildhibaanada horey mucaaradka ugu ahaa Xukuumada uu Hogaamiyo Kheyre oo ka badnaa Boqol Xildhibaan.

Si mastaba ha ahaatee, Siyaasada Soomaaliya ayaa ku dhisan sameynta balan qaadyo been ah xiliyada ay jiraan mooshinada iyo doorashooyinka, waxaana inta badan dhacda in aan balanta loo oofin dadkii horey loogu sameeyay balan qaadka marka lagu gaaro dantii laga lahaa.