XOG: La-Taliyihii Warfaafinta RW Kheyre Oo Shaqadii Ka Tagay Xil Culusna Isku Sharaxay {SABABTA AKHRISO}

C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara)
C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara)

MUQDISHO (XOGTA MEDIA) – La-taliyihii dhinaca Warfaafinta Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara) ayaa la sheegay inuu shaqadii ka tegay isasoo is casilaadiisa uu aqbalay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

C/qaadir Nadaara ayaa la sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay isagoo isku sharxaya kursi xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo bannaan, kaasoo uu banneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo doorashadiisa lagu wado inay dhowaan ka dhaco magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in xukuumadda ay ku taageereyso Nadaara inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka si ay u kordhaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Si kastaba ha ahaatee, C/qaadir Nadaara ayaa xilka la-taliyaha War-faafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017.