XOG: Jawaari Sababta Rasmiga Ah Ee Isku Casilay Maxaa Ka Taqaan..?

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Proff Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo qudbad u jeediyay maanta xildhibaanada Baarlamaanka waxana uu ku soo koobay lix qodob sababaha ugu muhiimsan ee uu isu casilay.

Sababaha ugu waaweyn ee uu Proff Jawaari uu ku sheegay inay ugu muhiimsan yihiin is casilaadiisa ayaa waxaa ka mid ahaa.”Waxaan arkay wax u eg cudud sheegato iyo kala aragti duwanaansho dhexdeena ah oo haddii ay sii socoto sababi karta inuu dhiig daato.”ayuu yiri guddoomiyihii hore ee golaha shacaba Jawaari.

Sidoo kale qodobada ugu waaweyn ee uu ku tilmaamay inuu isu casilay ayaa waxaa uu ku sheegay inuu badbaadiyo baarlamaanka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso qodobada ugu muhiimsan ee uu isu casilay Proff Jawaari.