XOG: Farmaajo Iyo Kheyre Oo Xeelad Cajiib Ah U Adeegsanaya Xil Ka Qaadista Jawaari.

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa raadinaya qaabka kale oo ay xilka uga tuuri karaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, xilli shalay (04 April) fashil uu ku soo dhamaaday kullan iska soo horjeeda oo Xildhibanaada ay ku lahaayeen xarunta Golaha Shacabka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ah Hormuudka mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiye Jawaari ayaa hadda u muuqda mid ku fashilmay qorshihii uu ka lahaa mooshinka ee ahaa xilka ka qaadista Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa Labaad Mahad Cawad ayaa saakay tagay xarunta Golaha Shacabka iyagoo wata Ciidamo hubeysan oo howlka u diiday Xildhibaanadii mooshinka waday.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa markii ay ku adkaatay iney galaan xarunta Golaha Shacabka isaga soo laabtay.

Si kastaba ha ahaatee, xaalad cakirnaan  oo Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho,waxaana xiran gabi ahaabna wadooyinka magaalada Muqdisho.