XOG: Ex-Guddoomiye Jawaari Kadib Yaa La Eryi Doona..?

MUQDISHO (XOGTA.NET) – Guddoomiyahii golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sanad un ka joogay dowladda Nabad iyo Nolol, hase ahaatee waxaa laga keenay mooshin sababay in ugu dambeyn uu cararo.

Xogta aan helnay ayaa waxay sheegeysaa in Jawaari uu ku xigo shaqsi kale oo aad u muhiim ah, islamarkaana ay xukuumadda Kheyre eryi doonto.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in seefta ay kusoo wajah tahay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Xogta ayaa waxay tilmaameysaa in marka la doorto guddoomiyaha golaha shacabka in mooshinkaan uu xigi doono.